Kulan ballaaran oo loogu duceynayay Allaha u naxariistee fannaankii geeriyooday marxuum Daa’uud Cali Masxaf, ayna ka soo qeyb galeen Guddoonka Aqalka Sare ee Baaralamaanka, madaxda Golaha Murtida, Abwaanno, fannaaniin, qorayaal iyo ehelada marxuumka ayaa shalay oo ku beegneyd 31/1/2020 waxaa lagu qabtay xarunta Ex-Fiyoore ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Md, Cabdi Xaashi C/llaahi oo kulankaasi ka hadlay ayaa ugu horeyntii sheegay inuu guud-ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii uu ka baxay marxuum Daa’uud Cali Masxaf uu uga tacsiyaynayo geerida ku timid fannaankaas, waxaana uu tilmaamay inuu Alle uga baryayo inuu Jannadiisa ka waraabiyo.

“Runtii aad ayaan uga naxay markii ay i soo gaartay geerida fannaan Daa’uud, xaqiiqdii fannaankaas waxa uu ahaa fannaan Qaran oo ka soo qeyb qaatey horumarinta fanka Soomaaliyeed, nasiib-darro sannadahaan dambe fannaaniinteenu badankood dayac ayay meelahaas ugu dhimanayaan, waxaan soo jeedin lahaa in fannaaniinta la siiyo qadarinta ay ku leeyihiin Qarankooda” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Sidoo kale kulankaasi waxaa iyaguna ka hadlay oo ka tacsiyeeyay geerida marxuumkaas, Maareeyaha Tiyaatarka C/qaadir Shube, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Xirsi Dhuux Maxamed, Faadumo Nakruumo, Cabdi-kariin Jiir, Xasan Gareyd, Abwaan Guure, Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf, Maxamed Xasan Barrow iyo fannaaniin kale, kuwaasi oo marxuumka Alle uga barayay inuu jannadiisa geeyo.

Allaha u naxariistee Daa’uud Cali Masxaf ayaa 24/1/2020 waxa uu ku geeriyooday magaalada Jigjiga, waxaana marxuumka lagu aasay isla magaalada Jigjiga ee Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia!

.