kulan gaar ah oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha gooosanka AGA ee Magaalada Muqdisho, loogana diyaar-garoobayay qaabka ugu haboon ee loo qaban karo Madasha AGA ee Horumrinta Afka iyo Hal-abuurkiisa ayaa lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
kulankaasi ayaa waxaa shir gudoominayay Prof Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka tirsan madaxda sare ee Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana kulankaasi si qoto dheer looga hadlay sida ugu haboon isla markaana ugu quruxda badan ee loo qaban karo madashaasi oo la qorsheynayo in la qabto dabayaaqada bisha aynu ku jirno.
Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Prof. Mustafa ayaa sheegay in madasha soo socoto loogu tala galay in lagu gorfeeyo buug qiimo badan oo qeyb ka ah buuggaagta Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay falanqeynta buuggaasi ka sakow in diirada la saari doono doorka ay buuggaagta ku leeyihiin kobcinta aqriska iyo qoraalka afka Soomaaliga.
Qaar ka mid xubnaha AGA oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo jeediyay tallooyin ku aadanaa sida ugu wanaagsan ee loo sameyn karo madashaasi, waxaana gaba-gabadii kulankaasi la isku waafaqay in sida ugu sareysa loo abaabulo madashaasi.
Madasha AGA ayaa ah Madal aqooneed Bille ah, waxaana si joogto ah ugu kulmo bahda Akadeemiyada, ehelada AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, bahda Dhaqanka iyo aqoon-faafinta, bahda Waxbarashada iyo cilmi-baari
sta, bahda Warbaahinta iyo guud ahaan inta jecel afka, hal-abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoonta.














