Hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta ee Laashin ayaa fiidnimadii Axadda oo ku beegneyd 4/4/2026, waxay qabtay kulan habka fogaan aragga ah (Zoom), oo isugu jiray tacsi iyo duco. Ujeeddada kulanku ayaa ahayd in dib loo milicsado waayahii iyo waxqabadkii Prof Cali Jimcaale, oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Kulanka, waxaa ka soo qayb galay mas’ulliyiin ka tirsan DFS iyo aqoonyahaannadii la soo shaqeeyay. Waxaa iyana goobjoog ka ahaa kulanka qoyska iyo qaraabadii Prof Cali Jumcaale Axmed. Ugu horrayn, kulanka waxaa eray soo dhaweyn ah ka soo jeediyay Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), oo ah guddoomiyaha hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta ee Laashin, ahna guddoomiye kuxigeenka AGA.

Xuseen Wadaad wuxuu ka hadlay taariikh nololeedkii Prof Cali Jimcaale Axmed, wuxuuna intaas kaddib, codbaahiyaha ku soo  dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada ee DFS Faarax Cabdulqaadir. Wasiir Faarax Cabdulqaadir wuxuu kulanka ka akhriyay aayado qur’aan ah oo tilmaamayo in Ilaah dadka imtixaanayo. Wasiirku wuxuu bogaadiyay waxqabadkii Prof Cali Jumcaale.

Guddoomiyaha AGA Macallin Saciid Saalax ayaa bogaadiyay  waayahii iyo waxqabadkii Prof Cali Jimcaale. Sidoo kale, guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Suugaanta iyo Dhaqanka Ismaaciil Yuusuf ayaa isna sheegay in Akademiyadu qabanayso  kulan ballaaran, oo lagu  maamuusayo Prof Cali Jumcaale.

Dhanka kale, waxaa iyana kulanka ka hadlay Danjire Abuukar Baalle, Danjire Khadiija Cosoble, Danjire Maxamad Doodishe iyo Danjire Axmed Ciise Cawad, waxayna bogaadin iyo duco u hibeeyeen Prof Cali Jumcaale. Sidoo kale, waxaa iyana si tifaftiran uga hadlay dhaqankii iyo dhaxalkii  aqooneed ee Prof Cali Jimcaale ka tagay aqoonyahaannada kala ah Prof Cabdalla Mansuur, Prof Maxamad Mukhtaar, Prof Cabdi Kuusow, Prof Cabdulqaadir Faarax, Prof Cabdulqaadir Ruumi, Prof Safiya Cabdiraxmaan, Prof Saneey iyo Injineer Cabdiraxmaan Abtidoon.

Madashaasi oo aad u ballaarneyd, waxaa iyana ka hadlay xaaska iyo caruurta Prof Cali Jimcaale oo ka sheekeeyeen taariikhda Prof Cali Jumcaale, waxayna tilmaameen inuu ahaa aabbe wanaagsan.

W/D: Prof. Cabdulqaadir Ruumi