Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed ee Somali Pen laanta Muqdisho ayaa 29/8/2024,w axay magaalada Muqdisho ku qabteen kulan loogu ducaynayey Allaha u naxariistee qoraa Cabdullaahi Maxamed Sheegow oo ka mid ahaa lataliyaashii naadigasi.
Kulankaasi waxaa furay oo ujeeddada xuska ka sheekeeyay xoghaya naadiga Somali Pen laanta Muqdisho ustaad Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo ku dheeraaday taariikhdii iyo xusuusihii Allaha u naxariistee Cabdullaahi Maxamed Sheegow.
“Naadiga Somali Pen laantiisa Muqdisho saaxiib, walaal, waalid iyo la taliyaba waxaa u ahaa qoraa Sheegow, wuxuuna gacan iyo kaalmo joogta ah ku bixin jiray xafladaha iyo barnaamijyada uu naadiga qabanayo. Xuska aan maanta u samaynay waxaan uga gol leennahay in qoraaga uusan qalbiyadeenna ka bixin” ayuu yiri ustaad Jubba oo caddeeyay in sannadkaan kaddib uu Cabdullaahi Sheegow ka mid noqon doono xusaska naadiga uu u sameeyo maqaawiirtii ka geeriyootay.
Waxaa sidoo kale, munaasabadaas ka hadlay aqoonyahaannadii ka soo qaybgalay xuska iyo ducada loo sameeyay qoraa Cabdullaahi Maxamed Sheegow, iyagoo ka sheekeeyay waxtarkii uu qoraagu lahaa, waxayna si wadajir ah uga mahadceliyeen naadiga Somali Pen laanta Muqdisho oo soo qabanqaabisay xuskaasi
Ugu dambayntii, waxaa la galay quraan akhriskii, iyadoo gabaggabadii halkaasi marxuumka loogu saddaqeeyay ilaa 50 kitaabka Quraanka ah.