Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa 4/6/2025, waxaa lagu qabtay kulan wacyigalin ah oo loogu talaggalay in kor loogu qaado tayada kormeereyaasha imtixaanka dugsiyada G/Banaadir ee sannad dugsiyeedka 2024–2025.
Kulankaasi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan seddex boqol oo macallin ayaa waxaa soo qabanqaabiyay waaxda imtixaanaadka ee agaasinka waxbarashada G/Banaadir, kaasi oo sannad walba marka la gaaro xilligaan oo kale qaban jirtay wacyigilintaasi.
Madaxa imtixaanaadka ee agaasinka waxbarashada G/Banaadir oo furitaankii kulankaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyay muhiimmadda ay leedahay hawsha kormeerayaasha iyo sida loogu loogu baahanyahay inay xil isaga saaraan gudashada waajibaadkooda ummadnimo, isagoo dhanka kale iftiimiyay inay lagama maarmaan tahay inay kormeereyaashu yeeshaan xirfad, anshax iyo feejignaan dheeri ah.
Agaasinka waxbarashada G/Banaadir, waxaa ka go’an in la sugo hufnaanta, caddaaladda iyo tayada Imtixaanka dugsiyada G/Banaadir, si loo helo jiil waxbartay, karti leh, oo dalka iyo dadkaba anfaca.