Guddiga fulinta ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa la filayaa horraanta toddobaadka soo socda inay magaalada Muqdisho ku yeeshaan kalfadhigii caadiga ahaa ee guddigaasi .

Kalfadhigaasi oo looga hadli doono ajandayaal kala duwan ayaa waxaa ka soo qaybgali doono madax ka kala socoto Wasiiradda dawladaha ku bahoobay Akademiya Goboleedka iyo xubnaha uu ka koobana yahay guddiga fulinta ee AGA.

Muddo dhawr maalmood ah ayuu kalfadhigaasi ka socon doonaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in gabaggabada kalfadhigaasi laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan horumarinta hawlaha ay Akademiyadu u xilsaaran tahay.