Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA ayaa si kala gooni-gooni ah u kala gaarsiisay buugga Hal-door ee ka hadlayo Taariikh Nololeedkii iyo Dhaxal Cilmiyeedkii Guddoomiyaha Guddigii qoraalka farta Soomaaliga Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali.
Madaxa Waxbarashada iyo Munaasabaddaha Akadeemiye-Goboleedka Al-ustaad Cabdi-naasir Yuusuf Macallin ayaa Guddoonsiiyay masuul ka socday Maktabadda Jaamacadda Muqdisho nuqlo ka mid ah buugga Haldoor, waxaana uu sheegay inuu rajaynayo ardayda Jaamacadda inay wax badan ka kororsan doonaan buuggaas dhaxal-galka ah.
Dhinaca kale Madaxa Tiknoolajiyada Aga Eng. Axmed Faarax Saalax ayaa isna guddoonsiiyay nuqulo ka mid ah buugga Haldoor iyo qeybo ka mid ah Warsidaha Aga Guddoomiyaha Jaamacadda Badda Cas Md, Cabdullaahi Shiikh Xasan, waxaana munaasabaddaas goob joog ka ahaa Nuur Salaad oo ah Masuulka Akadeemiyada Jaamacadda iyo Burhaan Maxamed Cali oo isna ah Hormuudka Kulliyada Shareecada.
Horey ayaa buuggaasi loo gaarsiiyay Masuuliyiin kala duwan iyo qaar ka mid ah bahda Waxbarshada, Fanka, Qoraalka iyo Waxgarad kale oo aad u fara badan.















