Jaamacadda Simad oo sannadkiiba mar qabato toddobaadka dhaqanka ayaa mar kale waxa ay sannadkaan ardaydeeda u qabatay tartan ku aadan dhinaca dhaqanka, hidaha iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Tartankaas oo aad u xiisa badnaa ayaa waxaa ku tartamayay Kulliyadaha kala gedisan ee jaamacadaas, waxaana garsoorayay guddi ka socday Golaha Abwaannada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Abwaannadda Soomaaliyeed Abwaan Xirsi-dhuux Maxamed oo ka hadal kooban ka soo jeediyay furtitaankii tartan-dhaqameedkaasi ayaa sheegay inuu Simad ku ammaanayo sida ay kor ugu qaadayso dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo ardayda tartamaysa u soo jeediyay in ay soo bandhigaan dhaqan la jecleysan karo.
Ardaydii ka qeyb-gashay bandhigaasi ayaa waxa ay ku tartamayeen dhinacyada suugaanta, cunto dhaqameedka iyo agabyada kala duwan ee loo isticmaalo dhaqanka.















