Tababbar ku saabsanaa Aqoon gudbinta barashada Af Soomaaliga oo loo qabtay dadka Soomaaliyeed ee Af Soomaaliga u adeegsada shaqooyinkooda, ayna soo qaban-qaabisay jaamacadda Minnesota oo kaashanaysa goosanka AGA ee Waqooyiga Ameerica ayaa 9-10/4/2021 waxaa lagu qabtay xarunta jaamacaddaas.
Tababbarkaasi oo heerkiisu uu aad u sarreeyay ayaa waxaa ka faa’iidaystay dadka Af Soomaaliga ku shaqeeya oo ay ka mid yihiin Macallimiinta Afka dhiga, turjubaano, bahda saxaafadda, u adeegayaasha Bulshada Soomaaliyeed, Qoraayaal, culimada diinta iyo qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda ee Af Soomaaliga ka dhigata.
Munaasabaddii furitaanka tababbarkaasi waxaa ka hadlay Professor Yuichi oo ah Guddoomiyaha waaxda “African American & African Studies” ee jaamacadda Minnesota, waxaana uu uu sheegay inuu soo dhaweynayo qabashada tababbarkaasi , isaga oo ka qeyb-galayasha kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan aqoonta ay halkaasi ku qaadan doonaan.
Wakiilka AGA ee W/Ameerica Macallin Saciid Saalax Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay suurta-galinta tababbarkaasi, waxaana uu ka warramay hawlaha AGA iyo SSPen ee ku aadan hiilka afka Soomaaliga, isaga oo dhinaca kale u mahad-naqay jaamacadda Minnesota oo tababbarkaasi qabatay.
Furitaankii tababbarkaasi kadib, waxaa loo gudbay qaadashada casharadii tababbarka, waxaana daruusta tababbarkaasi bixinayay Macallin Saciid Saalax Axmed, Injineer Cabdi Maxamuud Suleymaan (Aw-cabdi), Shiikh Xasan Xade iyo macallimiin kale, kuwaasi oo ka qeyb-galayaasha la wadaagay aqoontii loogu talagalay in tababbarkaasi lagu qaato.
Qabashada tababbarkaas ayaa qeyb ka ahaa laba hawl-gal oo uu goosanka AGA ee W/Ameerika uu ku guuleystay qabashadoodu bisha Abriil ee 2021.















