Jaamacadda Jabuuti oo ka mid ah jaamacadaha ugu caansan Geeska Afrika ayaa Shahaado-sharaf qiimo badan waxa ay shalay oo ku beegneyd 7/2/2021 ay guddoonsiisay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jabuuti Dr. Jaamac Maxamed Xasan oo hadal kooban ka jeediyay munaasabaddii guddoonsiinta Shahaadadaas ayaa sheegay in Guddoomiyaha AGA uu ku mutaysatay dadaalkiisa, hawl-karnimadiisa iyo kaalinta weyn ee uu ka qaadato horumarinta afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.

Bixinta Shahaado-sharaftaas ayaa waxa ay qeyb ka ahayd xaflad ballaaran oo ay jaamacadda Jabuuti ugu dabaal-degaysay xuska 20-guuradii ka soo wareegtay dhalashadii jaamacaddaasi.

Horey ayaa Guddoomiyaha AGA loo guddoonsiiyay Shahaadooyin, Billado iyo abaal-marinno kale oo qiima badan.