Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo kaashanaysa Jaalliyadda Soomaaliyeed  ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska ayaa Diyaar-garow aad u ballaarran ugu jiro qabashada xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ku asteysan maalinta caalamiga ah ee afka hooyo.

Prof.  C/qaadir Ruumi  oo ka mid ah Guddiga qaban-qaabada munaasabadda maalinta afka hooyo ee  UK ayaa sheegay  Akadeemiye-Goboleedka Aga iyo bulshada Soomaaliyeed ee dalka  Ingiriiska  inay u socdaan shirrar looga wada tashanayo sidii la isaga kaashan lahaa qabashada xuskaas, waxaana uu tibaaxay in xuska sannadkaan uu yahay mid qiimo badan u leh ummadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaas.

 “Xafaladda weyn ee loogu tala-galay xuska 21-ka Febraayo waxaa lagu soo bandhiggi doonaa muhiimada uu leeyahay afka Soomaaliga, waxaana munaasabaddaas laga soo jeedin doonaa warbixinno ka hadlayo dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedku  ugu jirto daryeelka afka hooyo” ayuu yiri Prof. Ruumi oo intaasi raaciyay in sidoo kale  munaasabaddaas lagu soo bandhiggi doono gabayo, murti  iyo buuggaag qeyb ka noqon doono xuska 21-ka Febraayo.

Prof. Ruumi  ayaa caddeeyay in afku uu yahay mid ka mid ah Tiirarka Midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu carrabka ku dhuftay inuu bulshada u soo jeedinayo in la qaddariyo Afkeenna hooyo oo uu ku tilmaamay inuu yahay astaanta lagu garto shacbiga wadankeena, isaga oo intaas ku darey Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga inay u taagan tahay  sidii  uu afka Soomaaliga u gaari lahaa horumar, isla markaana uu u noqon lahaa  nabad-side wallaaleeya qowmiyadda Soomaaliyeed.

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo u xil saarran daryeelka, illaalinta iyo hiilka  afka Soomaaliga ayaa sannad kasta waxay maamuustaa xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, waxayna munaasabaddo lagu xusayo maalintaas  ku kala dhigtaa  dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.

Sannadkii 1999 ayaa Shir-weynihii guud ee laanta u qaabilsan Qaramada Midoobay dhinacyada  Waxbarashada, Cilmi-baarista iyo Dhaqanka ee UNESCO  waxay  go’aamisay in 21 Febraayo loo aqoonsado maalinta caalamiga ah ee afka hooyo.