QORMO-XUSUUSEED

Murugo huq weyn ku reebtay ayaa gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee Dr. Maxamed Daahir Afrax, 09-kii bishan Oktoobar. Baho badan oo uu datoor Maxamed Daahir Afrax u katirsan gaar ahaa Bahda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo mataanteed SSPEN ayaa dhacdadani ka sii damqisay nabarradii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa hal-abuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Allaha  u wada naxariistee, Dr. Maxamed Daahir Afrax hormuudkii sheeko-faneedda Soomaalida, Xasan Cilmi Diiriye, abbihii masraxa Jabuuti, uuna ka sii horreeyey aabbihii kale ee isla marxaas, Ibraahim Suleymaan (Ibraahim-Gadhle); Cabdi Muxumad Amiin, halyeygii halganka suugaanta samataliska ah; Ibraahin Garabyare, oo ugu nolol dambeeyey horseedkii iba-furay hees-casrida Soomaalida, horseedkaas oo uu hormuud u ahaa Cabdi Deeqsi (Cabdi Sinemow); Cabdulqaadir Xirsi Yamyam iyo Maxamed Cali Kaariye oo labadaba lagu xasuusto heerkii ay ka gaareen halabuurka quruxda badan iyo haladaygga waddaninnimo; Cabdullaahi Amiir Aw Kuuku, calan-sidihii maadaynta masrax-Soomaaliga astaanta u ah; waxaa ka sii horreeyey abwaankii weynaa, Xusaan Aw Faarax iyo mataankiisii fanka, Cabdillaahi Qarshe oo ay isla ahaayeen aabbayaashii masraxa iyo muusigga casriga ah.

Waxaa in yar ka dib ka daba tagey tiir-dhexaadyo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cumar Huryo, Cabdulle Raage Taraawiil, Cumar Dhuule Cali, Cumar Macallin iyo Xasan Shiikh Muumin, Fiilosoofkii fanka iyo suugaanta yoolka leh. Way ka badan yihiin wax halka lagu soo koobi karo.

Buunigan u dambeeyey qalbi-fuqa geeridiisu nugu dhallisay waa mid ka qota-dheer qof qura oo god galay. Waxay damaqday dhaawacaas in dhawaale maalin walba daqarku ku dhacayey. Waa oohin orgiga ka weyn. Waa tiiraanyo ay xoojinayso xasuusta xilligan xun ee cimri-dadajinaya caqligii ummaddaan, wallow ay ajashu iska qoran tahay. Dadka halabuurka ah dareenkoodu aad ayuu uga xasaasisan yahay kan dadka kale. Aad ayay ugu nugul yihiin saamaynta dhibaatada dalkooda iyo dadkooda. Waxay isa saaraan xil culayskiisu mararka qaar ka tan weyn yahay. Qalbi-jabka badan iyo culayska weyn ee maskaxda la saarana waxay keenaan cimri-degdeg.

Inta aan ka aqiinnay, Dr. Afrax waxa uu kamid ahaa qalin-maalka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan. Wuxuu isugu jirey wax badan. Wuxuu lahaa hibooyin isku dhafan. Wuxuu isku hawlay kana soo dhalaalay arrimo aad u kala duwan. Wuxuu ahaa bare, qoraa, agaasime, abaabule, aqoon-yahan iyo abwaan khayaalkiisu aad hodon u yahay.

Naxariistii janno Allaha siiyee, qoraa sare Dr. Afrax wuxuu ku dhashay magaalada Jarriiban, sannadkii 1952kii..Tacliintiisa quraanka iyo dugsiga hoose wuxuu ku bilaabay Jarriiban, ka dibna tacliin-dugsiyeeddiisa wuxuu ku sii watay isla degmadaas. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare waxa uu ku soo watay Jarriiban ilaa caasimadda Muqdisho oo uu markii dambe u wareegay. Tacliinta sarena wuxuu ku soo qaatay magaalada Cadan ee dalka Yeman. Kadib waxa uu ku biiray Waxbarashada sare, waxana uu shahaadada labaad ka qaatay jaamacadda London ee boqortooyada UK, asaga oo sannadkii 2001 qaatay shahaadada sare ee datooraadka PhD, machadka suugaanta iyo taariikhada ISOS ee Jaamacadda London.

Afrax intii uu noolaa oo dhan maalinna kama nasan in uu sameeyo badbaado kasta oo uu awooda ee la xiriirta dabar-go’a AfSoomaalia. Wuxuu u banbaxay cilmi-baarista AfSoomaaliga iyo curinta suugaan Soomaaliyeed. Qalin iyo xaashi, qoraal iyo kombiyuuter ayuu dul rundudsaday. Wax kale oo dhan faraha ayuu kala baxay. Dadaalkaasi wuxuu dhalay buugaag badan oo isugu jira cilmi-baaris afeed iyo curis suugaaneed. Kii ugu horreeyey ahna kii uu abwaanku ku soo caan-baxay wuxuu ahaa Nadaa’ Al-xoriyah (Dhawaaqa Xoriyadda) oo uu qoraagu qoray sannadkii 1976, Kadib waxaa waxaas oo dhan qariyay horyaalka sheeko-faneedda Soomaalida, waa sheekada caanka noqotay ee yar iyo weynba ay sida wayn u yaqaanniin, waa sheekada aadka u dheer asii maalmo kooban aad uga soo jeedsanaysid akhriskeeda, waa tee… waa Maana-faay oo noqotay sheekada ugu iibiska badan ee inta la ogyahay Soomaali dhexdeed lagu allifay.

Guur-ku-sheeg, Galti-Macruuf, Dal Dad Waayay, Naafidah, iyo buugaag kale oo aan wali la faafinba waxa ay ay ahaayeen hantida uu Soomaalida oo dhan uga tagay qoraaga, nasiib darraso ayaga oon qaybo kale oo intaas ka badan maskaxdiisana ku dhex jiray aan la faafin ayay qoraaga ajashu haleeshay. Waxaa jirtay cilmi-baarisyo badan oo uu qoraagu diyaariyay, taasi oo ay ugu waynayd tii uu ku sameeyay buuggiisa qalin-jabinta shahaada PhD, iyo cilmibaarisyo kale ee la xiriira erayga qoran. Waxaa loo bahan yahay in la faafiyo, laga faai’daysto, lana galiyo dood cusub oo ay ka soo baxaan dadaallo intaan ka sii hodansan oo lagu kobciyo darsidda eray-saafka Afsoomaaliga.

Taariikhdiisa shaqada, Afrax shaqooyin dhawr ah iyo xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Soomaaliya burburka ka hor. Shaqadiisii u horreysey wuxuu ka bilaabay macallinnimo, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa masuuliyiintii sarsare ee hoggaanka u ahayd Ururkii Ardayda Africa sannadkii 1974, waxa kale oo uu xubin firfircoon ka ahaa maareeyana ka noqday Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Dele Theatre. Waxa uu noqday tifaftirihii ugu horreeyay ee Wargeys ku soo baxa AfSoomaali, sidoo kale waxa uu muddo badan ka mid ahaa dadka wax ku qora wargeyskii Xidigta Oktoobar. Tiro gaaraysa ilaa 7-10 buug ayuu qoray, inkastoo maqaalada iyo qormooyin-cilmiyeedka kale ee Dr. Afrax ay yihiin tiro beel aan la soo koobi karin.

Ka dib qarixii dagaalka sokeeye iyo burburkii dalka ee uu sababay, Afrax wuxuu isku hawlay arrimaha dowlad-dhiska Soomaaliya, asaga oo horyaal ka noqday curintii iyo abaabulkii shirkii Carta ee dib loogu soo celinayay dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu ka qayb-qaatay bilowgii shirarkii dib u heshiisiinta, sida kii Sodare, Ethiopia, 1996, iyo dib isu abaabulkii qarannimada Soomaaliya ee aakhirkii looga shidaal-qaatay soo dhisiddaa DFKM sannadkii 2000.

Waxa uu dowladdii KMG ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad ka soo noqday Xildhibaan, iyo Wasiiru-dowlihii Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah asaga oo ku suntanaa shaqo-aqool, waddaniyad, iyo qiyam sugan. Maxamed Daahir Afrax waxa uu ahaa nabaddoon u dhaxeeya ummadda Soomaaliyeed oo dhan gaar ahaan waxa uu ahaa nin xalka meel dhow ka hela, u fiirsasho badan, aadna loo tixgeliyo.

Afrax asagoo la daalaa-dhacaya adeegga iyo cilimibaarista AfSoomaaliga iyo diyaarinta buugaagtaas kala duwan oo Geeska Afrika iyo Goonyaha caalamka marba waddan habeen ku hoyanaya, duruuftuna ku adagtahay, ayaa waxaa u gurmaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuu garab walaalnimo ugu muujiyay u adeegidda AfSoomaaliga, iyo adeegsigiisa habboon. magaalada Jabuuti, halkaas oo uu ku taakuleeyey wax allaale wixii uu u baahnaa si uu u dhammaystiro halganka uu ugu jiray AfSoomaaliga oo noqda nabadside walaaleeya Soomaaliweyn. Sannadkii 2012, Madaxweynaha Jabuuti ayaa qabtay kulan wayne la isugu yimid oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda Soomaalida ee Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, halkaasi oo lagu qabtay dood-cilmiyeed lagu doonayay in lagu gorfeeyo qaylo-dhaan kasoo yeertay dabargo’a afka hooyo, waxaana halkaas lagu dhisay Akadeemiyad u dhaxaysaa shanta Soomaaliyeed, loona bixiyay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo loo soo gaabiyo (AGA), Akadeemiyadaas oo xarun looga dhigay Jabuuti markii dambana loo soo wareejiyay Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Sannadkii 2015 ayay golihii wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliyeed u garteed Dr. Afrax in uu noqday Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxana uuna ilaa waagaas ka qabtay howlo badan dhanka dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo isku soo dabaaliddooda.

Allaha u naxariistee, Maxamed Daahir Afrax wuxuu ahaa geesi hal adag oo aad ugu dhiirran wixii ugu muuqda inay xaq yihiin. Wuxuu ahaa waddani ku seexda kuna soo toosa wanaagga dalkiisa iyo dadkiisa iyo u hiillinta AfSoomaaliga. Wuxuu ahaa nin aan marnaba ka harin, meel kalena uga jeesan hawshii uu ku dhaqaaqo, ilaa uu ka mira dhaliyo. Wuxuu ahaa bulshey dabeecad macaan oo soo jiita saaxiibbo badan. Isku wada duuboo Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu ahaa la-higsade ay habboontahay inay ku daydaan da’da soo koraysa, siiba kuwa ay ku duugantahay hibada hal-abuurnimo.

Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu magaalada London ku geeriyooday habeen Isniinaad oo ku begnaa 09kii Oktoobar 2021. Wuxuu ifka kaga tagey laba xaas iyo Saddex carruur ah. Waxaa lagu sagootiyey aas weyn oo ay ka qayb galeen dad aad u fara badan, waxana geeridiisa ka tacsiyeeyay guud ahaan madaxda Soomaalida, aqoonyahanno badan iyo guud ahaanba bulshaweynta taqiinnay oo ay safka hore kaga jireen ardaydiisii.

Sheeko-faneedyada Caanbaxay.

  1. Guur ku sheeg
  2. Maanafaay
  3. Galti-macruuf
  4. Tala-seeg.
  5. Anbad
  6. Ha iman laheydaa!
  7. Anniga annigii miyaa?
  8. Ruwaayad

Buuggaag-cilmiyeedyo iyo maqaallo.

  1. Fanmasraxeedka Soomaalida
  2. Dal dad waayey duni damiir beeshey
  3. Maxaa ku dhacay maskaxdii Soomaalida
  4. Maqaal: Nabadda yaa iska leh oo loo doonayaa?
  5. Maqaal: Kacaa-kufkii Gobannimada iyo Kaalinta Suugaanta

AfCarabi.

  1. ندأالحرّيه
  2. الصومـــال الثقافة في المتقل
  3. عدن خليــج منطقة في الصومال إبــداع نــــافدةعلى
  4. الصومـــالفي الثقافية  الحركة على اضواء

Af Ingiriisi.

  1. Classification of Somali literature.
  2. The changing shop Somali poetry
  3. Paramount of Alliteration in Somali Literature
  4. The Mirror of Culture: Somali Dissolution Seen Through Oral Expression
  5. Opposing Influences of Tradition and Modernity in Contemporary Somali
  6. Between Continuity and Innovation: Transitional Nature of Post-independence

 

 

Kuwa Qabya-qoraalkooda la Dhammeystirey balse aan la Daabacin.

  1. Maadeys
  2. Somali literature and art in tradition (Suugaanta Soomaalida sida ay muraayad ugu tahay mushtamac ku jira xilli kala guur ah)
  3. From the age of gabay to the ear of the jiifto (Sidii looga soo guurey waagii gabayga oo loo guurey casrigii jiiftada).
  4. Classification and magaliishan of Somali literature (u magic-bixinta iyo kala meeleynta jaadadka suugaanta Soomaalida) ikk.

Ilaahay naxariistii janno ha ku abaalmariyo!

W/Q: Rooble Axmed Iidle (Qalbi-taajir)

Email: Roble2003@yahoo.com