Barreyaasha ugu waa-weyn ee dalkeenna ayuu ka mid ahaa Abwaan Qaasim Hilowle markii loo eego dhinaca suugaanta. Abwaanku wuxuu ku dhashay Magaalada Xamar horraantii 1923kii. Abwaan Qaasim waxa uu ahaa mid yaraantiisii fanka aad u jecel; lahasho badanna u haya. Asaga oo dhigta Dugsiga Quraanka, aadna u da’yar, ayaa wuxuu ka soo muuqday fagaaraha lagu soo bandhigo suugaanta oo ay markaas caynaanka u hayeen dadkii gobannimadoonka ahaa.

Arrinkaa ayaa aad uga yaabiyey waalidkiisii oo ayagu daneynayay inuu ku ekaado wiikooda barashada Diinta Islaamka oo uu faraha kala baxo fanka uu sida aadka ah u xigsanayey; iyo inuu isaga tago dugsiyada gumeystaha ee uu wax ka baranayey. Hayeeshee Qaasim ka biyadiid, gaashaankuuna-ka-daruuray arrinkaa. Asaga oo 13 jir ah ayey Dadka Soomaaliyeed si fiican u barteen, waxayna jeclaadeen inaysan ka maqnaan garoomada uu ku heesayo.

Abwaan Qaasim wuxuu u arkayey inuu fanku yahay hubka keliya ee gumeysiga lagula dagaalami karo. Sannadkii 1937-kii Qaasim wuxuu tagay Gobollada Soomaali Galbeed wuxuuna bilaabay inuu guubaabiyo oo uu u laqino qiimaha daljirnimadu (Wadaninimadu) leedahay; iyo weliba inay tahay Soomaalidu dad isku mid ah oo aan colaad iyo isnaceyb lagu dhex abuuri karin, ayna iska illoobaan cuqdadda dhexdooda ah, wuxuuna Xamar ku soo laabtay sannadkii 1943kii.

Abwaan Qaasim Hilowle wuxuu unki  jirey riwaayado iyo heeso daljirnimo (Wadaninimo) ku dheehan tahay, wuxuuna si weyn u guubaabin jirey dadweynaha; asaga iyo jaalleyaashii kaleba waxay ku guuleysteen: inay isu soo wada hiloobaan Soomaalidu meel kasta oo ay joogtay, waxaana la oran karaa ammintaasu waa casrigii dahabiga ahaa ee dhinaca Soomaalinimada. Qaasim wuxuuu ku heesi jiray seddexda afood ee Soomaaliga, Talyaaniga iyo Carabiga.

Heesaha aan la hilmaami karin ee Qaasim Hilowle inta badan uu qaadi jiray waxaa ka mid ah, heesta astaanta Qarannimada Soomaaliya muujisa ee:

Soomaaliyeey toosoo
Toosoo isku tiirsada
Hadba kiinna taag daran
Taageera weligiin

Qaasim ayaa lagu naaneysi jiray “Iskiifo”. Naaneysta ayaa loogu bixiyey—in uu qaadi jiray heeso uu lahaa hoobalkii Reer Talyaani ee “Iskiifo” la oran jiray.

Abwaan Qaasim Hilowle, wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee koox fanneed ka aasaasay Koonfurta Soomaaliya. Qaasim wuxuu shaqo ka helay Raadiyow Muqdisho sannadkii 1953kii, waxaase shaqadii laga eryey 1959kii—kaddib markii uu unkay heestii layaabka lahayd ee uu halkudhiggeedu ahaa “Soomaali Weyn”.

Abwaan Qaasim Hilowle wuxuu ka mid ahaa Xisbigii SYL , haseyeeshee wuxuu ka baxay markii ay soo kala dhex gashay madaxdii sare ee Xisbiga: ismaandhaaf siyaasaddeed. Wuxuuna ku biiray xisbigii la oran jirey “Gareedka”.

Abwaan Qaasim xiisihii uu fanka u qabay waxay gaarsiisay inuu ku anqariyo warasadiisa, kuwaasoo ka mid noqday hooballadii dalkeenna ugu caansanaa, sida: Faaduma Qaasim Hilowle iyo Muslimo Qaasim Hilowle oo ay labaduba ka mid ahaayeen fannaaniintii Qaranka ee Waabari.

Eebbe haw turee, iilkana ha u iftiinshee Abwaan Qaasim Hilowle wuxuu iishay 1/6/1984kii, wuxuuna ifka uga tagay 12 waraso oo kala ah: 4 wiil iyo 8 hablood.

Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).
Muqdisho – Soomaaliya.
Luulyo 01, 2019—Isniin.