Hawl-wadeenno ka mid ah Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa ka qeyb galay Carwadii Buugaagta Kismaanyo, Carwadaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa intii u dhaxaysay 23-25 Abriil waxa ay si xiiso leh uga socotay xarunta Dawlad-Goboleedka Jubbaland ee magaalada Kismaanyo.
Qoraaga Dayax Axmed Illey oo ka tirsan Masuuliyiinta Akadeemiyada AGA ayaa hadal ay halkaasi ka soo jeedisay waxa ay uga war-bixisay hawlaha iyo waxqabadka Akadeemiyada ee ku aaddan dhinaca daryeelka iyo nooleynta afka Soomaaliga, waxaana ay ka qeyb galayashii carwadaas ay gaarsiisay salaan iyo hambalyo ay uga sidday Gudoomiyaha Akadeemiye- Goboleedka AfSoomaaliga, Prof. Maxamed Daahir Afrax.
Dayax Axmed oo u waramaysay Mareegta ama Degalka (Website) AGA ayaa sheegtay inay raalli ka tahay sida ay u qabsoontay carwadaas, waxaana ay caddeysay inay ku faraxsan tahay inay halkaasi ku soo bandhigto buuggeeda la magac baxay Habeen-eersi. Waxayna intaasi raacisay inay ka qeyb qaaday Dood-Cilmiyeed looga hadlayay doorka ay gabdhuhu ku leeyihiin qoraalka iyo buugaagta.
Carwadaas oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Kismaanyo ayaa fuitaankeedii iyo xiritaankeedii waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne-ku-xigeenka Jubbaland Md, Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay inay Jubbaland ka go’an tahay dhiiri galinta bahda qorayaasha Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyay dadkii soo qaban-qaabiyay carwadaas iyo qorayaashii ka soo qeyb-galay.
Waa sannadkii Labaad ee magaalada Kismaanyo ay martigalinayso carwadaas, waxaana sannadkaan nasiib u yeeshay inay ka soo qeyb galaan in ka badan Labbaatan qorayaal ah oo lagu martiqaaday bandhigaasi, kuwaasi oo ka kala yimid daafaha Caalamka.















