Jaalliyadda Soomaalida ee magaalada Birmingham (UK) ayaa xalay oo ku beegneyd 16/5/2019 waxay xaflad isugu jirtay afur iyo casho sharaf u sameeysay Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuula Sh. Axmed Gaballe.
Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomalaiga (AGA) ee wadanka Ingiriiska Prof. Cabdulqaadir Ruumi oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga war- bixiyay halganka ay Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga ugu jirto hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.
Prof. Ruumi oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dar-daarmay Guddoomiyaha Haweenka Qaranka iyo ururkeedaba inay horseed ka noqdaan ololaha la xiriira hiilka afka hooyo, waxaana uu goobtaasi guddoonsiiyay nuqullo ka mid ah Warsidaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuula Sh. Axmed Gaballe oo iyaduna munaasabaddaasi ka hadashay ayaa soo dhaweysay dadaalka ay Akadeemiyada AGA ugu jirto daryeelka afka hooyo, waxayna balanqaaday inay ka qeyb qaadan doonaan hiilka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.
Masuuliyiin ka mid ah madaxda Jaalliyadda Soomaalida ee magaalada Birmingham(UK) oo iyaguna Xafladdaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay doorka shariifka ah oo ay haweenka Soomaaliyeed ka qaataan dib u dhiska dalka.














