Waxay ahayd amin gabal gaab ah, oo ay xooluhu u hollanayaan ubadkoodii in ay dhaadhiyaan. Dadkuna ay u diyaar garoobayaan carraabinta xoolaha iyo xarayntooda.  Axmed waxa uu ahaa wiil reer magaal ah, oo gu’ga uun u soo caano doontay reerka. Hase yeeshee, ciidan ayaa looga maarmi waayay, waxaana loo diray in uu awrta soo carraabiyo.

Kolkii uu soo gaadhay awrkii u horeeyay ayuu si kedis ah wuxuu u arkay, wiil isaga ka yar balse la yaaban qaabka uu u socdo iyo lebiskiisa. Waxa uuna ku yidhi: “Waar maxaad iga eegaysaa, ma bil baa iga bilatay?” wiilkii ayaa yidhi. “Maya, reer magaalow waxa aan daymooday futoxumeeyahan calalka ah eed mooddo karbaash dhammaaday. Ee miyaanad xishoonayn waxan maad iska xoortid.”

Axmed oo yaaban ayaa ku yidhi: “Walaal xoori maayee, cawradaada asturo, intaana waxa ii dheer i caawi oo awrta ii xarig fur.” Wiilkii yaraa ayaa la yaabay ninkan ka weyn ee aan xataa garanayn seetada waxa uuna ku yidhi: “Reerma ayaa tihiin?” Axmed ayaa yidhi “Waar reerkii waan ka imiye i caawiyoo, waxaanan garanayn  faraha la geli maayee awrta ila kaxee lacag baan ku siinayaaye.”  Wiilkii yaraa ayaa ku yidhi imisa ayaad i siinaysaa bal i tus lacagta aad i siinaysid.” Waxa uu aamini waayay ninkan surwaalka daldaloola wataa lacag xaggee ayuu ka keenayaa, illeyn haddii uu lacag haysto isagaaba dhar ku iibsan lahaaye. Axmed ayaa arkay in aanu aaminayn illaa uu lacagta tuso. Waxa uuna soo bixiyay lacagtii. Wiilkii yaraa ayaa ku qancay isaga oo quudhsanaya xoolo-moognimada haysa ninkan gaashaanqaadka ah. Waxa uuna ku yidhi: “Awrta haddii aan maanta kula kaxeeyo, berrina sidee baad yeelaysaa?” Axmed ayaa ku yidhi: “Magaalada ayaan ku noqon doonaa isla berriba.”

Axmed ayaa wiilkii weydiiyay magaciisa. Wiilkii ayaa ku yidhi: “Mataan ayaa lay yidhaa.” Kolkii ay cabbaar wada socdeen ayaa waxa ay ku soo baxeen laba nin oo isku haysta meel dhabbe ah, oo qir iyo qir kala taagan.

Mataan ayaa nabdaadiyay oo ku yidhi: “Maxaad sheegteen?” mid ka mid ah labadii nin ayaa ku yidhi nabad baanu sheegnay, balse, Ilaahay baa noo kiin keenaye noo gar qaada waanu is haysannaaye. Waxa soo booday Axmed waxa uuna yidhi: “Maxaad isku haysataan?” Mid ka mid ah labadii nin ayaa yidhi: “Arradka dan baa keenta, yeelkadeede ninkan gu’gii hore, ayaan neef irmaan ah siiyay, waxaannu ku heshiinnay in uu dayrtii hore ii soo celiyo. Bal weydiiya muslim Allow ninkani halkuu sacaygii geeyey.” Axmed ayaa yidhi: “Bal adna gardhigo.” Ninkii ayaa yidhi: “Waa runtii, waxa uu i siiyay neef agoor ah, neefkiina jiilaalkii ayuu baxay.” Axmed oo la yaaban labada nin ee waaweyni waxa ay isku haystaan ayaa ku yidhi: “Adigu wax aad nin siisay maxaa ku daba dhigay? Adna orod ninkan iskaga tag oo hawlahaaga raaco.” Yaab iyo amankaag ayaa lala kala jeestay illeyn horaa loo yidhi xaajo nimaan ogayni indhuhuu ka ridaa.

Mataan oo arrinta garwaaqsaday ayaa ku yidhi: “Xaq iyo xeer mid uun bay geliye, inna keena aannu garcadaa idinla raadinee, haddii kale anaa idin raacayee ninkan halwadka ah iga reeba.”

Ninkii sacu ka maqnaa ayaa ku yidhi mataan: “Adiga waan ku gartaye, ninkani muxuu ahaa?” Axmed oo dhibsanaya wiilka ka yar ee arrimihiisa la weydiinayo ayaa si degdeg ah ugu jawaabay: “Waxa aan ahay nabadoon balse weligay ma arag ruux kaa indho adag, sidee baad ku keentay nin rag ah wax aad siisay in aad u qabsatid?”

Yaab, mar kale ayaa la daymooday oo afka gacmaa la wada saaray! Axmedna isma waaline waxa uu ka dalbaday Mataan inay baxaan si aanu wakhti ugaga lumin meesha  si uu awrta xilli hore u geeyo. Mataan oo dareensan in aanu garanayn waxa la isku haysto ayaa waxa uu ku yiri: “Axmedow, nimankani waxay isku haystaan maad garane, orod oday nimankan kala saara doon haddii kale oo ay is dilaan, dhibaatada wax baad ku yeelanaysaa.” Axmed isma waaline waxa uu yidhi: “haye, i sii suga” isaga oo u kicitimay dhanka tuulada kolkii uu in cabbaar socday ayaa uu la kulmay nin oday ah oo baadidoon ah. Waxa uuna ku yidhi: “adeer laba nin ayaa meel dhaw isku haysta, midbaana gardaran ee kaalay wax kala dheh adaa iga wayne.” Ninkii odaga ahaa isaga oo yaaban, eegayana kuraygan dhididsan ee haddana xukumay gardarrada, ayuu ku yidhi: “Adeer, baadiddoon baan ahaaye in baadidaa badbaado, inna wax geel aaran u badan ma aragtay?”

Axmed waxa uu ugu jawaabay “Nimanka ayaa isku haysta.”  Odaygii oo yaabban ayaa soo raacay nimankii kolkii uu soo gaadhay ee uu nabdaadiyay ayaa uu uga warramay waayihiisa iyo wixii dhex maray isaga iyo wiilka. Waxa uuna intaa raaciyay inuu u baahan yahay geeliisii. Mataan oo dareemay in uu Axmed wax qaldan odayga u soo sheegay ayaa uga warramay waxyaalaha la isku hayo iyo halka uu arrin joogo. Odaygii oo garwaaqsaday arrinta ayaa xaajadii galay, wuxuuna ku kala xukumay in ay xeer u lahaayeen qoysaska labada nin ee is haystay. Irmaan baxay in aan la isu qabsan. Aqbal iyo guddoon ayaa lagu faataxaystay.

           W.Q

Maxamed Xasan Cabdullaahi (Geelle)