Xalay oo taariikhdu ku beegnayd 8-da bisha sagaalaad, magaalada Birmingham, caasimadda labaad ee dalka UK, waxaa ka dhacay kulan weyn oo si wacan loo soo agaasimay. Wuxuu ahaa kulan ku saabsanaa aqoon-wadaag diiradda saaraya arrimaha masiiriga ah ee uu dadka ku baraarujinayo qoraaga buugga caan-baxay ee Maana-faay ee uu qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax, buuggaas oo daabacaaddiisa cusub halkaas lagu soo bandhigay.

Kulan-weynahan oo ay qaban-qaabadiisa hormuud ka ahayd Akadeemiye-Goboledka AfSoomaaliga (AGA) laanteeda UK oo kaashanaysa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham, waxaa ka soo qaybgalay dad fara badan oo u badan madaxda iyo hormuudka jaaliyadda Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka Ingiriiska gaar ahaanna magaalada Birmingham. Waxaa kaloo ka soo qaybgalay dad kale oo daneeya AfSoomaaliga iyo suugaantiisa.

Ugu horrayntii waxaa eray soo dhaweyn ah hadalka ku furay maamulaha xaruntii shirka lagu qabtay oo lagu magacaabo Dream Chaser Youth Club, ka dib markuu mikrofonka ku soo dhaweeyey Bare Sare Cabdulqaadir Ruumi, Wakiilka AGA ee UK, oo kulanka daadihinayey. Suxufiyadda caanka ah Aamina Muuse Weheliye ayaa bilowday falanqayntii iyo bogaadintii badnayd ee lagu iftiiminayey qiimaha uu leeyahay Buugga Maana-faay.

Waxaa ku xigey qoraa Axmed Faarax Cali Idaajaa. Hadal dhinacyo badan taabanayey oo uu halkaas ka soo jeediyey, Idaajaa wuxuu ku bilaabay qiimaha akhriska iyo waxtarka buugaagta iyo sida loogu baahanyahay inay ka faai’deysato bulshada Soomaaliyeed. Ka dibna wuxuu ku dheeraaday iftiiminta casharrada masiiriga ah ee uu bixinayo buugga Maana-faay iyo sida uu daaha uga rogayo cilladaha dilaaga ah ee ku badan bulshada Soomaaliyeed iyo cawaaqib-xumada laga dhaxli karo haddaan laga waantoobin dhaqannadaas lidka ku ah diinta, dadnimada Soomaalida iyo horumarka dalka intaba.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, qoraa sare Maxamed Daahir Afrax ayaa halkaas ka soo jeediyey khudbaddii tiir-dhexaadka u ahayd kulanka habeenkaas. Dr. Afrax wuxuu hadalkiisa ku bilaabay mahadcelin dadkii waqtiga badan galiyey qabanqaabada kulanka oo uu hormuud ka ahaa Bare Sare Ruumi. Ka dib wuxuu ka xog-warramay kaalinta hormuudnimo ee AGA kaga jirto ilaalinta iyo horumarinta AfSoomaaliga iyo hal-abuurkiisa, iyadoo ku hiranaysa hirgalinta halkudheggeeda ah “hadafkayagu waa hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa”.

 Ka dib barfasoorku wuxuu taataabtay jawaabta su’aalo mar kasta laga weydiiyo Maana-faay, su’aalahaas oo ay ka mid yihiin waxa ku kallifay inuu qoro iyo sababta dadku uga xiisa dhigi waayeen muddada sidaas u dheer. Wuxuu sheegay sababta ku dhaqaajisay inay ahayd damqasho damiirkiisu ka damqaday cillado badan oo uga dhex muuqday bulshada Soomalida, xag siyaasadeed, xag bulsh iyo xag dhaqan intaba, kuwaas oo sheekadu ka digayso haddaan laga waantoobin in laga dhaxli doono burburbur iyo cawaaqib-xumo, waana tii dhacday.

Dhanka kalena sababta dadku uga xiisa goyn waayeen inay tahay sida ay u taabanayso noloshooda dhabta ah iyo habka farshaxanimada xiisaha badan ee ay u qorantahay. Gunaanadkiina wuxuu Soomaalida qurbaha kula dardaarmay inay iska xilsaaraan ilaalinta afkooda hooyo iyo inay caadaystaan akhriska iyo aqoon-kororsiga.

Dadkii badnaa ee madasha ka hadlay waxaa ka mid ahaa siyaasiga ruug-caddaaga ah, Aadan Maxamed Cali oo ku dheeraaday dadaalkii taariikhiga ahaa ee  Dowladdii Kacaanku ugu hawlgashay hirgalinta qoraalka AfSoomaaliga iyo rasmiyaynta adeegsiga afka. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday qiimaha afku ugu fadhiyo ummadda. Dhinac kalena wuxuu farta ku fiiqay qiimaha weyn ee uu ku fadhiyo buugga Maana-faay iyo faai’dooyinka badan ee uu ka dhaxli doono qof kastoo akhrista, asagoo dadka ku boorriyey inay akhristaan oo indhahooda ku arkaan casharrada uu xambaarsan yahay.

Ugu dambaynna dad badan oo ka mid ah akhyaartii madasha soo cammirtay, rag iyo dumarba, ayaa kulanka kaga qaybqaatay fikradohooda, talooyinkooda, bogaadin badan iyo su’aalo ay uga jawaabeen aqoonyahannadii khudbadaha jeediyey. Dadkaas, oo si weyn kulanka u wada jeclaystay, waxay dhammaantood codsanayeen in loo badiyo kulannada noocaas ah.