Shalay oo ku beegneyd 28-04-2024, ayaa xarunta AGA waxaa soo booqday arday ka socotay dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee Nagayle iyo Care oo ka kala tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir ee G/Banaadir.

Ardaydan ayaa markii ay xarunta soo gaareen, waxaa ku soo dhoweeyay agaasimaha waaxda Waxbarashada AGA, bare Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo si kooban uga warbixiyay xarunta Akademiyada, waxa ay u taagantahay iyo hawlaha ay qabato, kaddibna waxaa uu u sharxay oo u geeyay maktabadda AGA.

Ustaad Jubba oo hadalkiisa sii wata ayaa ardaydaasi ku dhiirrigeliyay inay kaalintooda ka qaataan wacyigelinta loogu jiro sare u qaadista akhriska iyo qoraalka, maktabadduna ay u furantahay oo ay imaan karaan, soona booqan karaan markasta si ay uga faa`idaystaan akhrinta buugaagta maktabadda taalla.

Intaasi kaddib, ardayda ayaa isugu tagay Hall-ka xafladaha iyo munaasbadaha ee AGA, iyagoona halkaa ku qaatay baraarujin ku saabsan qiimaha af Soomaaliga, gaar ahaan Naxwaha oo si wanaagsan looga sheekeeyay maadaama ay ardaydu ahaayeen ardayda sannadkaan u fariisanayo imtixaanka midaysan ee qaranka, naxwuhuna uu yahay meelaha ay inta badan ardayda ku haraan.

Agaasime Jubba ayaa si wanaagsan ugu dheeraaday muhiimadda uu Naxwuhu ugu fadhiyo afkeenna iyo sida maanta loogu baahanyahay, isagoona sharraxaad ka siiyay Magacyada, qaybaha uu ka koobmo, astaamihiisa, siyaabaha loo wadareeyo magacyada lab iyo kuwa dheddig, Cayimayashaasha sida qodobbada cayimayaal tilmaameed, weyddiineed iyo kuwa lahaansheedba.

Sidoo kale, wuxuu u sharraxay magacuyaallada, falalka iyo qurubyada, isagoona ardayda u ballanqaaday inuu u soo diyaarin doono. iyagoo la soo koobay, sannadkaanna uu u rajaynayo inay kaalin wanaagsan ka soo muuqdaan natiijada imtixaanka guud ahaan si gaarana afkooda hooyo.

Qaar ka mid ah ardaydii ka faa’iidaysatay wacyigalintaas ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin baraarujinta loo sameeyay, iyagoo u mahadnaqay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo soo dhaweyn fiican iyo wacyigalin wanaagsan ay ka heleen.