Maanta oo kale laba sano ka hor ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan bahda qalinleyda caalamka waxa ka baxay, Dr. Maxamed Daahir Afrax, qoraa, bare sare, aqoonyahan, siyaasi iyo astaan weyn oo ay ummadda Soomaaliyeed lahayd.

Datoor Afrax wuxuu ahaa shaqsi afgaaban, aqoonyahan ah, abaabulka ku wanaagsan isla markaana dadka gaar ahaan dhallinyarada ku gacansiiya doonistooda wanaagsan intii uu karay.

Maxamed Daahir Afrax wuxuu noqday jidbixiyihii abaqaalay falkinta sheeka-faneedda casriga ah. Waxaa maskaxdiisa ka soo maaxday, qalinkiisuna xardhay sheekooyin ay ugu magac dheertahay qisada Maana-faay ee caanka ah oo, illaa maalintaa maanta ah, calanka u sidda qisooyinka Soomaalidu akhrisato.

Sannadihii 1979-81 marxuum Afrax wuxuu billaabay inuu wargeyskii Xiddigta Oktoobar ku qoro maqaallo gorfaynaya riwaayadaha iyo fan-masraxeedkii Soomaaliyeed, oo uu u faaqidi jiray suugaan ahaan iyo jilitaan ahaanba. Qoraalladani, waxay jidbixin iyo gundhigba u noqdeen “Cilmiga Faaqidaadda Suugaanta” “Literary criticism” ama “النقد الأدبي”. Hase yeeshee, cilmigani ma sii horumarine wuu hagaasay, welina suugaanta Soomaalidu way ka arradan tahay quruxdii iyo qaayahii uu ku soo kordhin lahaa.

Dadaalka joogtada ah ee Dr Afrax uu ugu hiillin jiray afka iyo aqoonta waxaa kaalin muuqata kaga jiray hawlaha uu ku hodminayay ereyga qoran. Waa dadaal ka muuqda min dhallinyarannimadiisii illaa maalmihii ugu dambeeyay noloshiisa, ha noqdo dadaal uu shakhsi ahaan u sameeyo amaba midka uu ku abaabulo hay`adaha iyo xarumaha afka iyo aqoonta.

Markii af Soomaaliga la qorayba wuxuu billaabay inuu soo saaro wargeys ku qoran af Soomaali. Magaalada Kismaayo ayuu ka bilaabay soo saaridda wargeyska “Codka Jubba”, oo ahaa bille ku soo baxa afafka Soomaaliga iyo Carabiga; wuxuu billowday Noofembar 1972, wuxuuna soo baxayay illaa 1975. Halkaa waxa ka muuqata in Dr Afrax ahaa “qofkii soo saaray wargeyskii ugu horreeyay ee af Soomaali ku soo baxa” ka dib markii la hirgeliyay Far-Soomaalida 1972. Wargeyska Xiddigta Oktoobar ayaa xigay oo la billaabay Jannaayo 1973.

Marxuumku wuxuu abaabulay aasaasidda Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed, oo loo yaqaan “Somali-Pen”, oo London lagu aasaasay sannadkii 1997. Naadigani afar sanno kadib wuxuu soo saldhigtay geyiga Geeska Afrika, wuxuu ka hawlgelay Jabuuti, wuxuuna nasiib u helay garabka iyo gardaadinta madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Shirweynihii 2aad ee naadiga oo qabsoomay Juun-Juulaay 2003 waxaa si rasmi ah loogu go`aamiyay in Jabuuti noqoto xarunta naadiga. Naadigu wuxuu laamo ku yeeshay magaalooyinka Hargeysa, Jigjiga, Garoowe, Muqdisho iyo Nayroobi, wuxuuna sii ballaariyay laamihii uu ku lahaa qurbaha.

Aasaaskiisa ka sokow, marxuum Afrax wuxuu lafdhabar ka ahaa taabbagelinta naadiga Somali-Pen, wuxuuna guddoomiye ka ahaa ilaa Diisambar 2010. Shirweynihii 6aad ee naadiga oo qabsoomay Diisambar 2019, dadaalkiisii aasaasidda iyo taabbagelinta naadiga darteed, iyo weliba inuu yahay horseedka qalinleyda Soomaaliyeed, waxaa marxuumka lagu maamuusay inuu u noqdo guddoomiye-sharafeed.

Miraha Naadiga Somali-Pen ka dhashay waxaa ka mid ah asaasidda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, oo aan faahfaahin doonno.

Dadaalka marxuumku kuma koobnayn hawlaha afka iyo dhaqanka keliya; wuxuu lahaa dadaal kale, oo kaa garab socda, oo ku aaddanaa dawladnimada Soomaaliya. Dhallinyarannimadiisiiba wuxuu ka mid ahaa indheergaradkii Soomaaliyeed ee dareemay inay majarahabawday dawladnimadii Soomaaliya, una baahan tahay toosin iyo turxaanbixin intay goori goor tahay ee doontu hafan, qarankuna heermin.

Inkastoo ay tahay sheeka-faneed awaal ah oo ku aroorta nooca sheeko-bulsheed “social novel”, farriinteedana ay udub-dhexaad u tahay faaqidaadda dhaqanka bulshadu, haddana qisada Maana-faay waxay gorfaynaysaa siyaasadda iyo maamulkeeda, waa durbaan iyo qayladhaan ka dardaarwerinaya cawaaqib-xumada ka dhalan karta dawladnimada talaxumaantu mijaxaabinayso ee haadaanta ka sii dhacaysa. Waxaa qayladhaantan la qabay riwaayaddiisa “Durbaan Been ah iyo Dareen Garasho” ee soo baxday lana jilay 1979.

Waxaan isku barannay magaalada Kismaayo sannadkii 2016, intaas wixii ka dambeeyayna waxaan wadaagnay shaqo, jid iyo jidiin intaba.

Barafsoorku waxaan ii ahaa tusaaleeye wanaagsan oo khibraddiisa igu carbin jiray, wuxuu sidoo kale ii ahaa hoggaamiye si tartartiib ah markii dambe iigu noqday macallin anna aan noqday arday wanaagsan.

Waxa ina dhexmaray shaqooyin badan oo qaarkood aan meelo dheerdheer iskula safarnay, qaarna aan wadajoog ku wada qabannay.

Waxa uu had iyo jeer jeclaa waqtigiisa firaaqada in aan isweheshanno, isla fariisanno isla markaana uu i baro gaarista higsiyadayda qalinka, waxbarashada, iyo siyaasadda.

AHUN Dr. Afrax waxa aan kala shaqeeyay Guddiga Madaxabannaan ee Hirgelinta Dastuurka KMG ee Soomaaliya, Akademiyada AGA, Somali Pen, wargayskii hal-abuur iyo shaqooyin kale oo gaargaar ah.

Barafsoorku waxa uu igu aaminay magaciisa, maalkiisa iyo xog badan oo ay adagtahay in qof lala wadaago, waxaana u ahaa ilaaliye, gacanyare, arday dhaganugul iyo ku dayde wanaagsan.

Shan maalin ka hor safarkiisii aan soo laabashada lahayn ee Landhan ayaan shaqo adag ka qabannay soo saarista buugga Maana-faay, caddadka 5aad oo qorshuhu ahaa in lagu baalfuro magaalada Landhan ee waddanka boqortooyada Ingiriiska.

Tifaftirka, sixidda, hagaajinta iyo toostoosinta buugga oo aan u fadhinnay muddadaas dheer ka dib, waxaan subixii uu soo baxay ka soo sagootiyay guriga aan wada dagganayn eek u yaallay Alta Jubba, degmada Shibis, waxaana ku sii jeednay gegidda diyaaradaha ee Aadan Cabdulle. Wuxuu iga codsaday in uu sii maro xarunta AGA oo markaas gabagabo ahayd, taasi oo noqotay markii ugu dambaysay oo uu arko, waana ka yeelay.

Haddii aan ogaan lahaa in safarkaas uu dheer yahay oo aanan mar dame arkayn barahayga wax uun bay ii ahaan lahayd – Alle ayaase qeybka naga og.

Markii uu tagay Landhan, wuu isoo wacay wuuna ii sheegay inuu nabad tagay, uuna dareemayo xoogaa caajis ah. Waan u duceeyay, waxaana halkaas ka sii galnay diyaargarowgii iyo sidii reer Landhan uga qaybqaadan lahaayeen baalfurka buuggaas Maana-faay.

Waxay ahayd caawa oo kale 09 Oktoobar 2021, hilaadaha waa sagaalkii fiidnimo oo rubuc la` waqtiga Bariga Afrika, waxaan ku jirnay gabaggabadii madal-aqooneedka ZOOM-ka ku baxda ee bilaha ah ee ay qabato Akademiye Goboleedka Af Soomaaligu; waxaa ereyga gunaanadka jeedinayay Macallin Siciid Saalax. Waxaa soo dhacay taleefan/WhatsApp lagu sheegayo in Dr Maxamed Daahir Afrax naftu daysay daqiiqado ka hor.

Intaan murugadu daboolin codkiisa, ereyadii ugu dambeeyay Macallin Siciid waxay ahaayeen “… Innaa lilaah wa innaa ileyhi raajicuun… [madasheennii] mid murugay isu beddeshay…”. Fiidnimadiiba waxaa baraha bulshada daboolay murugada, baroordiiqda iyo tacsida ay is dhaafsanayaan Soomaalida dunida dacalladeeda ku kala firirsan.

Dareenka wuu isbeddalay, maamulka shirka waan xakamayn weynnay, macallin Saciid Saalax oo hadalka ku jirayna waxa uu codsaday in aanu sii wadi karin hadalka ee laga qabto, sidaas ayuuna ku soo xirmay shirkii.

Inkastoo Dr. Maxamed Daahir Afrax uu ahaa muwaaddin jecel in dalkiisa uu ku dhinto, laguna aaso, haddana tixgelinta qoyska awgiisa waxa magaalada Landhan lagu aasay maalin Isniin ah 11kii Oktoobar, 2021

Eebbow u naxariiso!

Waxaa diyaariyay: Rooble Axmed Iidle (Qalbi Taajir)