Munaasabad lagu abaalmarinayay guulaystayaasha tartankii gabayada ee gobolka Mudug, ayna soo qabanqaabisay Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/Mudug.
Xafladaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka degmada Gaalkacyo, madaxda ururada bulshada, abwaanno, qorayaal iyo marti sharaf aad u badan.
Wakiilka Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Abwaan Calideeq Maxamed Xaashi oo ugu horeyntii ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in tartankii gabayada magaalada Gaalakcyo uu ahaa tartan aad u xiisa badan, waxaana uu iftiimiyay in ay tartankaasi ku guuleysteen lix xubnood oo isugu jira rag iyo dumar, isaga oo xubnahaasi ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen tartankaasi.
“Aniga oo ku hadlayo magaca AGA ayaa ummadda Soomaaliyeed, waxa aan ugu baaqayaa inay afkooda xoojiyaan, astaanta ummad kasta lagu garto waa afkooda hooyo, hubaashii haddii aan la daryeelin afka waxaa baaba’aya jiritaankooda” ayuu yiri Abwaan Calideeq.
Duqa magaalada Gaalkacyo C/raxmaan Shiikh Xasan oo isna ka hadalayay munaasabadaasi ayaa sheeegay in uu soo dhaweynayo dadaalka ay Akadeemiye Goboleedku ugu jirto hiilka af Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed, waxaana uu caddeeyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay taageerida hawlaha la xiriira dhinacyada afka, dhaqanka iyo suugaanta, isaga oo dhanka kale ugu baaqay shacbiga reer Gaalkacyo in ay u istaagaan daryeelka afkooda hooyo.
Sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadlay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan bulshada magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin qabashada tartankaasi la xiriira dhanka suugaanta, iyaga oo ballanqaaday inay ka qeyb qaadan doonaan hiilka af Soomaaliga.
Gunaanadkii xafladaasi, waxaa lagu abalmariyay lixdii tartame ee kaalimaha hore ka galay tartankii suugaanta magaalada Gaalkacyo oo ay soo qabanqaabisay Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga.















