Shir-cilmiyeedkii Urur-goboleedka IGAD ee Jigjiga uga furmay maalinimadii Isniinta, wuxuu ku dhammaaday guul iyo jawi wanaagsan. Shirkaas, oo uu furay Madaxweynaha Dowlad-degaanka Somaalida, Md. Mustafa Cumar ee martida loo ahaa, go’aannadii ka soo baxay kuwa ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa in la asaasay urur-cilmiyeed lagu magacaabo ‘Golaha Xarumaha aqoon-faafinta IGAD’.
Xubnaha Golahaas, oo u badan Jaamacadaha waaweyn ee gayiga Geeska Afrika, ayna ka mid yihiin Jaamacadda Ummadda Soomaaliya, Jaamacadda Jabuuti iyo Jaamacadda Jigjiga, Waxaa nasiib-wanaag ah in ay Iyana xubin ka noqotay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).
Kulan-aqooneedkaas oo si xiiso badan u socday intii u dhaxaysay 5-6/4/2021 ayaa waxaa si aad ah loogu gorfeeyay xaaladda aqoon-faafinta iyo cilmi-baarista Gayiga IGAD iyo sidii ay bahda aqoon-faafinta ee Geeska Afrika ay iskaashi uga wada-yeelan lahaayeen dhinacyada cilmi-baarista, tayaynta waxbarashada, iyo higsiga hurumarinta guud.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax, oo kulankaas ku matalayey AGA ayaa hadalkiisii wuxuu ka-qayb-galayaasha shirka ku baraarujiyey qiimaha afka hooyo, dhaqanka iyo hal-abuurka iyo sida ay u yihiin tiir-dhexaadka dhammaan dhinacyada nolosha bulshada, sida siyaasadda, dhaqaalaha, nabadda iwm. Sidaa awgeed wuxuu hoosta ka xarriiqay, haddii la doonayo waxbarashadu in ay noqoto mid tayo leh oo miro-dhal ah inay lagama maarmaan tahay in lagu saleeyo sooyaalka ummadda oo saldhiggoodu yahay dhaqanka iyo afka hooyo.
Guddoomiyuhu wuxuu shirka uga warramay taariikhda, wax-qabadka iyo himilooyinka ay higsanayso Akadeemiye-Goboleedka AGA, isagaoo u soo jeediyay madaxdii ka soo qeyb-gashay shirkaasi in ay ka qeyb-qaadaan hiilka afafka hooyo ee looga hadlo arlada Geeska Afrika.
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Cabdi-naasir Axmed Ibraahim oo isna shirkaasi ka qeyb-galay ayaa madaxda Igad iyo ka qeyb-galayaashii dood cilmiyeedkaasi waxa uu ku boorriyay in ay siiyaan afka iyo suugaantiisa qiimaha ay mudan yihiin. Wuxuuna la socodsiiyay sida ay Akadeemiyada afafka Qaaradda Afrika ee (Acalan) ay u qiimaysay afka Soomaaliga, iyada oo u qirtay inuu ka mid yahay labada af ee hormuudka u ah afafka Geeska Afrika, halka kan labaad uu yahay afka Sawaaxiliga
AGA oo horey uga mid aheyd golayaal kala duwan, ayaa golahaan cusub oo ay haatan ka mid noqotay waxa uu uga dhigan yahay guul iyo horumar, maadaama ay bah-wadaagtaan cusub iska-kaashan doonaan dhinacyada aqoon-faafinta, afka, dhaqanka iyo hal-abuurka iyo sidii loogu adeegsan lahaa nabadaynta iyo horumarinta Geeska Afrika iyo walaalaynta dadyowga ku dhaqan.















