Gudoomiyaha Laanta K/Galbeed ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  (AGA)  Prof. Maxamed Cali Kalaay ayaa si faah-faahsan uga hadlay waxqabadka laantaas, War-saxaafadeed  laga soo saarey xarunta laantaas  ayaa u qornaa sidatan:-

Ujeedo: Warbixin Kooban oo la xiriirta Waxqabadka Laanta  Baydhabo ee Aga

Laga soo bilaabo tan iyo intii la aas-aasay Laanta Baydhabo, waxaan ku guuleysanay:-

  • In sannad walba la qabto xuska caalamiga ah ee Afka Hooyo iyo guud ahaan munaasabadaha la xiriira daryeelka iyo nooleynta afka Soomaaliga.
  • In Reer koofur Galbeed la fahamsiiyo jiritaanka Akadeemiye- Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo ujeedooyinkeeda.
  • In aan qabano weegaar cilmiyeedyo iyo Aqoon is-weydaarsiyo Ardayda Dugsiyada Sare, Jaamiciinta iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka lagu barayo hawlaha ay u  xil saaran tahay AGA.
  • In Bulshada Reer Koofur Galbeed aan ku dhiiri-galino soo nooleynta Afkooda Hooyo iyo Dhaqankiisa.
  • In Qalinleyda iyo Qoraayaasha lagu Barraarujiyo Qorista Buuggaagta si Jiilka soo koraayo loogu reebo wax ay raad-raacaan.
  • Qabashada Tartan Suugaaneedyo kor loogu soo qaadayo Hal-abuurrada Reer Koonfur Galbeed ee soo baxayo.
  • In Dib loo xasuusiyo da’yarta sida uu ahaa dhaqankooda suuban, iyadoo aan barnaamijkaasi wadnay muddo 2 bilood ah, kaasi oo aan u bixinay (GEED FADHI), Barnaamijkaas ayaa ahaa mid la isugu keenayo 8 Wiillal iyo 8 Gabdhood oo waxbartay, 2 Qof oo Dhaqan-yaqaan ah iyo 2 Abwaan,  kuwaasi oo  isu-geyntooda ay noqonayso tiro dhan (20) xubnood, barnaamijkaas ayaa  Jimco walba waxaa  looga hadlaa Mowduuc gaar ah, sida (Qaabka Diyada loo kala qaadan jiray, Qaabka ay Soomaalidii hore la isu Guursan jirtay,  Iwm).

Xiriirka aan la leenahay Laamaha kale ee AGA.

Laamaha kale ee aan bah-wadaagta nahay sida Muqdisho, Garowe, Hargaysa, Jabuuti,  Jig-jiga iyo kuwa kale ee ku baahsan caalamka waxaan wada leenahay xiriir fiican oo dhan walba ka dhamaystiran.

Shirarka aan ka qayb galnay ee AGA.

  • Shirweynihii AGA lagu Daah-furayey ee Magaalada Muqdisho.
  • Casuumadii Martiqaadka Qoraayada iyo Qallinleyda ee Muqdisho.
  • Shirkii 28 Diseember 2017 ee lagu Daah-furayay Madasha AGA ee horumarinta afka Soomaaliga iyo Hal-abuurkiisa
  • Sidoo kale waxaan ka soo qeyb galanay furtitaanka Tababbaro, Aqoon wadaag iyo barnaamijyo kale oo lagu qabanayay Xarunta Dhexe ee Aga ee Muqdisho.

 Himolooyinka  Laanta Baydhabo

  1. In Bilaha 7aad iyo 8aad ee sannadka 2018 ay noo qorshaysan tahay in aan qabano Bandhigga Buuggaagta Baydhabo.
  2. Inaan qabano Bandhig Dhaqameed bilaha 9-aad ama 10-aad.
  3. In aan sii dar-dargelino wacyi gelinta Bulshada ee ku aadan in Afka Hooyo uu noqdo mid laga dhaqan geliyo Xafiisyada Dawladda, Iskuulada iyo Jaamacadaha Koofur Galbeed.
  4. In aan abuurno xarun aan ku fulino Hawlaha AGA Laanta Baydhabo.

Fiiro gaar ah:-

Tan iyo inta AGA Laanta Baydhabo la furay waxaa kor u soo kacay jaceylka ay ummaddu u qabto  Qoritaanka, akhriska iyo daryeelka  Af Soomaaliga  iyo Suugaantiisa, waxaan filaynaa in Buuggaag badan ay soo bixi doonaan.

Wa Billahi Towfiiq

Diyaariye:- Prof. Maxamed Cali Kalaay
Madaxa AGA Laanta Baydhabo
Telefoon: +25261-5590134