Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Md, Cabdi Xaashi C/laahi iyo Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa kulan gaar ku yeeshay xarunta aqalka sare ee Magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa ilaalinta, daryeelka, hal abuurka iyo horumarinta afka Soomaaliga.
Munaasabadii kulankaasi ayaa hadal u halkaasi ka soo jeediayay Gudoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C/llaahi waxa uu sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay kulanka ay wada qaateen Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga, waxaana uu caddeeyay inuu soo dhaweynayo dadaalka ay Akadeemiyadu ugu jirto daryeelka afkeena hooyo, isagoo balan qaaday inuu u hawl gali doono sidii uu gacan uga gaysan lahaa horumarinta afka Soomaaliga.
Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo isna madashaasi ka hadlaya ayaa ka sheekeeyay taariikhda iyo waxqabadka Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga {Aga}, waxaana uu carabka ku dhuftay in hadafka Akadeemiyadu uu yahay sidii afka Soomaaliga halista looga badbaadin lahaa, adeegsigiisana loo sixi lahaa, iyadoo laga dhiganayo nabad side walaaleeye Soomaalida.
Kulankaasi ay labbadda Gudoomiye wada yeesheen ayaa gaba-gabadiisii waxaa la isku waafaqey in loo wada guntado daryeelka afka hooyo, waxaana lagu balamay in la joogteeyo kulamada caynkaan oo kale ah si mar walba isha loogu hayo halka uu marayo dadaalka ku aadan horumarinta afka Soomaaliga.
Munaasabadii kulanakaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Md, Abshir Buqaari iyo masuliyiin kale.















