Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  ayaa maanta  oo ku began 28/2/2018 dhallinyaro  ka tirsan  naadiyada aqriska iyo qoraalka waxay tababbar ugu qabatay Hotel Al-Furaat ee Magaalada  Muqdisho, Tababbarkaasi oo  ku saabsanaa Habaynta Qoraalka ayaa waxaa ka faa’iidaystay in ka badan 50- dhallinyaro ah.

Gudoomiyaha  Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo si rasmi ah u furay tababbarkaasi  ayaa sheegay  inuu ku faraxsan yahay sida ay naadiyada aqriska iyo qoraalka ugu heelan yihiin  barashada qurxinta qoraalka, waxaana uu carrabka ku dhuftay  inuu soo dhaweynayo da’ yarta hibada u leh  hal-abuurnimada, isagoo intaasi ku darey  inay lagama maarmaan tahay sidii loo xoojin  lahaa nooleynta afka,  dhaqanka iyo aqoonta.

“Afku waa aqoon sidaha Koowaad ee nolosha, qof kasta waxaa ku waajib ah  daryeelka  iyo nooleynta afkiisa hooyo,  haddaad tihiin dhallinyaradii Soomaaliyeed waxaan idinku guubaabinayaa inaad ku fara adeygtaan ilaalinta afkiina, dhaqankiina iyo suugaantiina” ayuu yiri Prof. Afrax oo intaasi raaciyay in Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ay tahay madal aqooneed ka dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Akadeemiyada AGA oo si cilmiyaysan uga taariikheeyay wanaaga uu leeyahay cilmiga ayaa ku nuux-nuuxsaday inuu bahda naadiyada kula dar-daarmayo  sidi ay  dabeecad uga  dhigan lahaayeen  aqriska iyo  qoraalka,  waxana uu ku guubaabiyay  inay iska war hayaan oo ay mar walba wada xiriiraan.

Munaasabadii furitaanka tababbarkaasi waxaa kaloo ka hadashay   Farxiya Muxyadiin (Lama-filaan) oo ku hadlaysay magaca ka qeyb galayaasha tababbarkaasi, waxaana ay  balanqaaday  casharada ay halkaasi ka qaataan inay ku dabaqi doonaan qoraaladooda, iyadoo u  mahadcelisay  Akadeemiyada AGA  oo tabarbbarkaasi soo qaban-qaabisay.

Khudbadahaasi kadib  waxaa halkaasi ka bilowday casharro ay bixinayeen Macalimiiin ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, kuwaasi oo kala ahaa Prof. Mustafa C/laahi Feyrus iyo C/laahi Sheikh Cabdi (Gacanka),  duruustaas oo aad loola dhacay ayaa ku kala saabsanaa Dalaynta ama astaamaynta Qoraalka iyo Habeynta Hadalka, dufcadda maanta qaadatey tabarbaarkaasi   ayaa noqonaysa middIi labaad ee la siiyo  tababbarkaasi

Qaar ka mid ah ka qeyb-galayaashii tababbarkaasi oo ka qayb-qaatay falceliskii tabbabarka ayaa isku wada raacay inay si weyn uga heleen aqoontii ay halkaasi ku qaateen, waxaana  ay codsadeen in tababbarrada noocaan oo kale ah la  joogteeyo lana wada gaarsiiyo intii la kari karo.

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  oo u taagan ilaalinta iyo daryeelka  afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa ayaa horey u soo qabatey tababbaro badan oo lagu kala qabtay Magaalooyin iyo   Gobollo ka mid ah dhulalka ay Soomaalidu degto.