Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa habeenkii xalay oo ku beegnaa 13/8/2018 waxa uu casho sharaf u sameeyay hawl-wadeenada Akadeemiyadaas ee magaalada Muqdisho iyo  Wakiilada Aga  ee dalka gudaha iyo dibadda.

Munaasabadii cashadaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa ujeedadeedu waxay aheyd sidii loo yeelan lahaa kulan “Bulsheyn” ah oo ka duwan kulamadii caadiga ahaa, waxaana cashadaasi  oo aad loo jecleystey la  la isku dhaafsadey fekrado u badnaa sheekooyin isugu jiray  taariikh, kaftan, xikmado, maad iyo qaar ka mid ah dhacdooyinka xiisaha badan ee mararka qaarkood ka dhex dhaca bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliiga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo halkaasi ka hadlay ayaa caddeeyay  in bahda Aga ay tahay hal qoys oo ku mataaneysan illaalinta, daryeelka iyo hal-abuurka afka Soomaaliga, waxaana ku nuux-nuuxsadey inuu  ku faraxsan yahay inuu  magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyo Wakiilada laamaha Akadeemiyadaas, isagoo intaasi ku darey inaaney Aga illoobi doonin habeenkaas qaaliga ah.

“Saaxiibayaal waxaan idiinkugu  hambalyeeynayaa imaatinkiina Caasimadda, farxad iyo macno gaar ah ayay inoo leedahay kulanka aan caawa halkaan ku wada qaadanay, dhawaan waxaan filayaa inaad dib ugu laaban doontaan goobihii aad   ka timaadeen, safar salaamo iyo Alle  inuu samo  idinku celiyo  ayaan idiin rajaynayaa” ayuu si kalgacal  leh u yiri Prof. Afrax oo dhinaca kale xubnahaasi u dul-marey hawlaha baaxadda leh oo ay ku guulaysatay  Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.

Wakiilka Laanta Aga ee  Waqooyiga Ameerika Macallin Saciid Saalax Axmed, Wakiilka K/Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay iyo Wakiilka Puntland aqoonyahan Maxamed Sheikh Xasan Afguriye (Xukun) oo iyaguna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay  Gudoomiyaha Aga inay uga mahadnaqayaan casho sharafta uu u  sameeyay, iyagoo balan-qaaday inay sii dar-dar galin doonaan hawlahooda.

Ma aha markii ugu horeysay  oo ay Aga casho sharaf  u samayso qaar ka mid ah xubnaha Akadeemiyadaas ee ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa.