Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa guud ahaan shucuubta Islaamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed u direy dhambaal hambalyo ah oo ku aadan munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, waxaana uu dhambaalkiisa ku sheegay inuu shacabka u rajaynayo inay ku ciiddaan jawi farxadeed oo uu weheliyo caafimaad qab iyo rayn-rayn.
Prof. Afrax ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu ugu duceynayo dadka oo dhan inuu Alle sannadkan sannadkiisa kale ku gaarsiiyo nabad, barraare iyo horumar, isagoo dhinaca kalana ku baaqay in loo samafalo dadka aan waxba haysan si ay uga qeyb qaataan farxadda ciiddul adxaaga.
Sannad walba marka la gaaro ciidda loo yaqanao Ciiddul-Adxaaga oo ka mid ah labadda ciiddood ee uu Alle siiyay addoomadiisa ayaa dunida islaamka waxaa looga dabaal degaa farxadda ay leeyihiin maalmahaasi barakaysan.
![]()













