Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax  ayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ah, gaar ahaan  ummadda Soomaaliyeed u direy dhambaal hambalyo ah oo ku aadan munaasabadda Ciidul-fidriga, waxaana uu dhambaalkiisa ku caddeeyay inuu shacabka u rajaynayo  inay ku ciiddaan jawi farxadeed oo uu weheliyo caafimaad qab iyo rayn-rayn.

Prof. Afrax ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu ugu duceynayo muslimiinta  caalamka oo dhan siiba shacbiga Soomaaliyeed  inuu Alle ka aqbalo waajibaadkii bishii Ramadaan oo ay soo guteen, isaga oo u rajeeyay in sannadkan sannadkiisa kale uu ku gaarsiiyo nabad, barraare iyo horumar.

Sannad walba marka la gaaro ciidda loo yaqaano Ciiddul-fidriga oo ka mid ah labadda ciiddood ee uu  Alle siiyay  addoomadiisa  ayaa  dunida islaamka waxaa looga dabaal-degaa farxadda ay leeyihiin maalmahaasi ciidda.