Kulan ay isugu yimaadeen guddoonka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) iyo xubnaha guddiga fulinta ee Akademiyada, loogana hadlayay qabanqaabada xuska maalinta afka hooyo oo ku astaysan 21-ka Febraayo 2025, ayaa xalay oo ku beegneyd 15/2/2025, waxaa lagu qabtay aaladda Zoomka.
Kulankaas oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha AGA Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa waxaa ka soo qaybgalay guddoomiye kuxigeennada Akademiyada iyo xubnaha ku jira guddiga fulinta ee Akademiya Goboleedka.
Macallin Saciid Saalax oo kulankaas furay ayaa sheegay in la joogo xilligii sannad walba la qaban jiray xuska maalinta afka hooyo, wuxuuna caddeeyay inay AGA waajib ku tahay sidii ay maalintaasi u xusi laheyd, isagoo iftiimiyay inay lagama maarmaan tahay in la qaato hal ku dhig mid ah.
Falanqayn iyo is tusaaleyn dheer kaddib, guddoonka iyo golaha fulinta AGA, waxay isku raaceen go’aannada soo socda:-
1-In xarumaha AGA ee waddamada Geeska Afrika ay xuska maalinta afka hooyo u xusaan si fool ka fool ah.
2- In laamaha AGA ee qurbaha ay qabtaan Barnaamij Zoom ah oo lagu xusayo maalinta afka hooyo.
3- In si wadajir ah loo qaato hal ku dhig mid ah
4- In hal ku dhigga sannadkaan uu noqdo “Ma huraan waa afka hooyo”
Guddoomiyaha AGA ayaa ugu dambayntii soo xiray kulankaasi, wuxuuna xubnaha Akademiyada uu kula dardaarmay inay xil gaar ah iska saaran guud ahaan horumarinta hawlaha Akademiyada, gaar ahaan xuska maalinta afka hooyo ee nagu soo fool leh.