Saminaar ay si wadajir u soo qaban-qaabiyeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali PEN) laantiisa Muqdisho, ayna ka soo qeyb-galeen in ku dhaw Boqol xubnood oo ka socday laanta Muqdisho ayaa galabta oo ku beegneyd 9/2/2020 waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xubnaha ka faa’iideystay saminaarkaasi ayaa isugu jirey Saxafiyiin, Hal-abuurrayaal iyo dhallinyaro aqoonyahanno ah oo dhammaantood ka tirsan laanta Muqdisho, waxaana la barayay cashar ku saabsanaa taariikhda guud ee Xarakada PEN International, Maxay tahay? Maxay qabataa? Maxaa keenay SSPen? Muxuu u taagan yahay? Maxaa laga dhaxlay? Maxay yihiin waajibaadka xubnahiisa iyo Maxayse ka faa’iidayaan?.

Furitaankii saminaarkaas ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiye Sharafeedka SSPen ahna Asaasaha naadigaasi Dr. Maxamed Daahir Afrax oo sheegay inuu Somali Pen ku soo dhaweynayo xubnaha cusub ee ku soo biiray laanta Muqdisho, waxaana uu caddeeyay inay arintaasi yidiidlo-weyn galinayso, isaga oo jiilkaasi cusub u rajeeyay inay noqdaan kuwii la wareegi lahaa hogaanka naadigaasi.

“Waa calaamad fiican inay dhallinyaradaan ka mid noqdaan Somali Pen, waxaana idinkugu duceynayaa sidii aad uga qeyb-qaadan laheydeen dar-dargalinta hawlaha laantiina, waxaad ogaataan inuu jiri doono tartan u dhaxeeya laamaha Somali Pen, waxaana idiin rajaynayaa inaad guul ka keeni doontaan” ayuu yiri Dr. Afrax oo ka codsadey qalinleyda Soomaaliyeed inay qalinkooda ugu adeegaan ummaddooda.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus, Guddoomiyaha laanta Muqdisho Cabdi-naasir Yuusuf Macallin, Agaasimaha Warbaahinta G/Banaadir Cabdi-naasir Iidle Xirsi, Xoghayaha laanta Muqdihso Axmed Maxamed Dhicisow iyo Aamino Ibraahim Muqtaar oo soo jeedisay hadallo isugu jiray soo dhaweynta iyo mahadnaqa Dr. Afrax iyo balanqaad ku aadan sidii ay Somali Pen wax badan ugu soo kordhin lahaayeen.

Intaasi ka dib, waxaa la guda-galay casharkii uu bixinayay Guddoomiye-Sharafeedka Somali Pen Dr. Maxamed Daahir Afrax, waxaana uu si wanaagsan u sharaxay arimo badan oo ku aadan Pen International iyo SSPen, isaga oo si cilmiyaysan xubnaha laanta Muqdisho uga dhaadhicinayay Pen iyo arimaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah xubnihii ka qeyb-galay saminaarkaasi ayaa su’aalo iyo tallooyin la wadaagay Guddoomiye sharafeedka Somali Pen, iyada oo Guddoomiyuhu-na uu su’aalahaasi uga wada jawaabay xubnihii weydiiyay.

Saminaarkaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxa uu ku soo gaba-gaboobay jawi aad u wanaagsan.