Munaasabad kooban oo lagu maamuusayay wareejinta buugaag qiima badan, oo loogu talaggalay in la dhigo maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, ayna ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan, ayaa maanta oo ku beegan 10/6/2025, waxaa lagu qabtay xarunta Akademiyada ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Kuxigeenka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo buugaagtaasi soo gaarsiiyay xarunta AGA, ayaa sheegay inay buugaagtaasi yihiin kuwo qiima badan oo dhaxalgal ah, waxaana uu tilmaamay inay qayb ka noqon doonaan kumannaanka buug ee ku kaydsan maktabadda Akademiyada, isagoo u mahadnaqay qorayaasha buugaagtaasi iyo maktabadda Shabeelle Book Shop ee dalka Sweden oo buugaagtaasi ugu soo deeqay maktabadda Akademiya Goboleedka.
Maamulaha maktabadda Akademiya Goboleedka Maxamedwali Cabdi Shiikhrashiid oo guddoomay buugaagtaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay buugaagtaasI soo gaaraan maktabadda AGA, isagoo bogaadiyay qorayaasha iyo maktabadda Shabeelle Book Shop ee maktabadda Akademiyada ugu soo deeqay buugaagtaasi qiimaha badan.
Buugaagta la soo gaarsiiyay maktabadda AGA ayaa waxay kala yihiin: Qaamuuska Casriga ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed, Gaso, Ganuun iyo Gasiin, Bidhaamiye, Darajo iyo Xil yaa Mudan, Kaymadow iyo Arxangoys.















