Guddoomiye kuxigeenka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) ayaa maanta oo ku beegan 5/3/2025, waxa uu xarunta dhexe ee Akademiyada uu ku soo dhaweeyay wakiilka Soomaaliya ee hay’adda Alesco Md, Maxamed Mustafa oo booqasho rasmi ah ku yimid xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.
Soo dhaweyntaas kaddib, guddoomiye kuxigeeka Akademiya Goboleedka AGA ayaa wakiilka Soomaaliya ee hay’adda Alesco iyo xubnihii kale ee la socday, waxa uu mid mid u soo tusay qaybaha ay Akademiyadu ka kooban tahay.
Dr. Xuseen Wadaad oo ka hadlayay kulan gaar ah oo uu la yeeshay Maxamed Mustafa ayaa uga warbixiyay taariikhda, waxqabadka iyo hawlaha ay qabato Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, wuxuuna la wadaagay sidii ay AGA iyo Alesco isaga kaashan lahaayeen dhinacyada cilmiibaarista, afka iyo hal-abuurkiisa suugaaneed.
Wakiilka Soomaaliya ee hay’adda Alesco Maxamed Mustafa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid iyo sida loogu soo dhaweeyay xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, wuxuuna ballanqaaday inay Akademiyada gacan ka siin doonaan dhinacyada hiilka afka, horumarinta Maktabadda, tarjumaadda iyo tababbarsiinta hawlawadeennada Akademiyada.
Hay’adda Alesco ayaa waxay ka mid tahay hay’adaha hoos yimaada ururweynaha Jaamacadda Carabta, waxayna qaabilsan tahay horumarinta dhinacyada cilmiga, waxbarashada, afka iyo dhaqanka.