Guddoomiye Ku-xigeenka Dhallinyarada G/Banaadir Seynab Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in ay waqti walba la socdaan warsidaha ku hadla codka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), iyada oo tilmaamtay in uu si joogto ah xaruntooda u soo gaaro cadad walba oo ka mid ah warsidahaas.

“Aqoon badan oo isugu jirta barashada afkeena hooyo, wanaaga dhaqankeenna, qiimaha suugaanta iyo macluumaad kale oo ka kooban waxbarasho, wargalin iyo madadaalo ayaa ka helnaa warsidaha AGA” ayay tiri Seynab Maxamed oo u warramaysay Degalka (Mareegta) Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.

Guddoomiye Ku-xigeenka Dhallinyarada G/Banaadir ayaa caddeysay dhallinyarada G/Banaadir in ay ka heleen tayada iyo hannaanka wanaagsan ee loo soo saaro warsidahaas, waxaana ay intaasi raacisay in Maktabadda Eng. Yariisow ee ku dhex-taallo xarunta dhallinyarada G/Banaadir in maalin walba ay halkaasi ku akhristaan dhallinyaro aad u fara badan.

Warsidaha AGA oo ah wargeys xilliyeed soo baxa dhawrkii biloodba mar ayaa si joogto ah waxaa loo gaarsiiyaa xarumaha waxbarashada, warfaafinta, dhaqanka, dhallinyarada, aqoonyahannada iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.