Xaflad lagu maamuusayay soo bandhiggida haldoorkii xarunta Laashin ee sannadka 2022, ayna soo qabanqaabiyeen bahda raadraaca dhaqanka iyo suugaanta ee Laashin ayaa 12/1/2023, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii xafladaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay madax ka tirsan ururada bulshada rayidka, aqoonyahanno, culumaa’udiin, qurbajoog, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, abwaanno iyo marti sharaf kale.
Xarunta Laashin ayaa sannadkaan waxa ay HALDOORKA LAASHIN u aqoonsatay aqoonyahan, Borofaysar Maxamed Eenoow oo ah guddoomiyaha jaamacadda Koofurta Soomaaliya, iyada oo halkaasi lagu guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan oo ka tarjumaya haldoornimadiisa sannadka.
Munaasabaddaasi ayaa waxaa hadallo sooyaal u badan ka soo jeediyay, aqoonyahannada kala ah: Guddoomiyaha Laashin Dr. Xxuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), Borofaysar Cali Jimcaale Axmed, Borofaysar Cabduqaaddir Cismaan Faarax, Borofaysar Bursaliid iyo abwaan Jaalle Indhageelle, kuwaasi oo haldoorka cusub ee Laashin ugu hambalyeeyay abaalmarinta la guddoonsiiyay, iyaga oo ku baraarujiyay inuu sii laba jibaaro dadaalkiisa.
Borofaysar Maxamed Eenoow oo ku guulaystay haldoorka sannadka ee Laashin oo isna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu noqdo haldoorka sannadka 2022 ee Laashin, isaga oo u mahadnaqay bahda Laashin oo u aqoonsatay haldoorka gu’ga 2022.
Haldoorka Laashin wuxuu ahaan doonaa taxane haddii Sarreeye saamaxo.