Munaasabad si ballaaran loo soo agaasimay, looguna talaggalay xilwareejinta guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, Senatorro, siyaasiyiin, maamulka G/Banaadir, cilmibaarayaal, qurbajoog Soomaaliyeed iyo marti sharaf aad u badan, ayaa 19/12/2024, waxaa lagu qabtay xarunta dhexe ee AGA ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Kuxigeenka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo ugu horreyntii ka hadlay munaasabadaasi ayaa ka warbixiyay taariikhda Akadamiyada iyo doorashadii seddexaad ee AGA, taasoo lagu soo doortay hoggaanka cusub ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, isagoo halkaasi ka ballanqaaday in madaxda cusub ee Akademiyadu ay ka go’an tahay horrumarinta Akademiya Goboleedka.
Guddoomiyihii Kumeelgaarka ahaa ee Akademiyada Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxqabadaka muddadii uu joogay, wuxuuna caddeeyay in caqabaddo badan ay ka horyimaadeen, isagoo dhanka kala caddeeyay inuu ka sii shaqayn doono hiilka afka iyo hal-abuurkiisa.
Guddoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed Dr. Xasan Cusmaan Gacal, Xildhibaan Cabdullaahi Xasan Rooble iyo Senator Saynab Ismaaciil oo iyaguna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qaybgalka munaasabadda xilwareejinta guddoomiyha AGA, iyagoo hoggaanka cusub u rajeeyay inuu Alle xilka la garabgalo.
Guddoomiyaha cusub ee la wareegay xilka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa sheegay inuu wax walba ka horrmarin doono noolaynta iyo hiilka af Soomaaliga, waxaana uu u mahadnaqay guddoomiyihii ka horreeyay ee Barasare Mansuur, isagoo ballanqaaday inuu ku dadaaali doono sidii uu uga soo dhalaali lahaa xilka loo igmaday.
Wasiirka wasaaradda waxbarshada Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo ugu dambayntii xilka u kala warejiyay Barasare Cabadlla iyo Macallin Saciid ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay si dhaw ula shaqayn doonto Akademiya Goboleedka, isagoo bogaadiyay Barasrae Cabdalla Mansuur oo shaqo adag ka soo qabtay Akademiya Goboleedka, isagoo dhanka kalana u rajeeyaya guddoomiyaha cusub Macallin Saciid inuu eebbe u fududeeyo xilka loo doortay.
Horraanta bishii November 2024, ayaa shirweynihii seddexaad ee Akademiyada, wuxuu ka dhacay waddanka Jabuuti, waxaana guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeenno loogu doortay Macallin Saciid Saalax, Dr. Xuseen Wadaad, Dr. Cabdinaasir Ibraahim iyo Ismaaciil Cabdi.


















