Munaasabad loogu talaggalay soo dhaweynta guddoomiyaha cusub ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Macallin Saciid Saalax Axmed, ayna ka soo qaybagleen madaxda & hawlwadeennada Akademiyada ayaa 8/12/2024, waxaa lagu qabtay xarunta Akademiyada ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Macallin Saciid Saalax ayaa imaatinkiisii xarunta Akademiyada kaddib, waxa uu soo indha-indheeyay xafiisyada xarunta, hoolalka shirarka iyo kan xafladaha, maktabadda iyo qaybaha kala duwan oo ay xarunta Akademiyada ka kooban tahay,
Sii hayaha xilka guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Barasare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa guddoomiyaha la doortay uga warbixiyay halka ay marayaan hawlaha Akademiyada iyo dadaalka hawlwadeennada xarunta ee ku aaddan gudashada waajibaadkooda dhanka shaqada.
Intaasi kaddib, labada mas’uul waxay yeesheen kulan gaar ah oo ku saabsanaa dardargalinta shaqooyinka Akademiyada ee la xiriira afka iyo hal-abuurkiisa suugaaneed.
Shirweynihii seddexaad ee Akademiyada oo intii u dhaxaysay 2-3/11/2024, ka dhacay dalka Jabuuti ayaa Macallin Saciid Saalax Axmed loogu doortay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ee dhawrka sanno ee soo socoto.