Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa 17/3/2023, waxaa uu magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay Shirweynihii waxbarashada qaranka.

Shirkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare, waxaana soo ka qeybgalay bahda waxbarashada dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, iyada oo gunaanadkii shirweynahaasi lagu soo bandhigay warbixin guud ee ku saabsan xaaladda waxbarashada dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ugu dambeyn soo xiray shirweynahaasi ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay aad uga farxeen qabashada shirweynahaas, isaga oo xusay in waxbarashada lagu daro farsamada gacanta lana horumariyo, si dalkeenna uu tartan ula galo adduunka kale.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in wasaaradda ay xal u keento caruurta jidadka ku isticmaasha maandooriyaha, loona furo dugsiyo waxbarasho oo noloshooda lagu kaabaayo.