Golaha Abwaannada Soomaaliyeed (Gas) ayaa shaahado sharaf aad u qiimo badan waxa ay guddoonsiiyeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga {AGA}, waxaana bixinta shahaadadaas lagu sharfay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Golaha Baaralamanka Federaalka Soomaaliya Md, Cabdi Xaashi C/llaahi.
Shahaadadaas waxaa Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga u guddoomay Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda Akadeemiyadaas, shahaado sharaftaas ayaa Akadeemiye-Goboleedku waxay ku mutaysatey dadaalka ay ugu jirto daryeelka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.
Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo hadal kooban ka soo jeediyay munaasabadaas ayaa sheegay inay Aga ku faraxsan tahay shahaadadaas ay guddoonsiiyeen Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay inay Akadeemiyadu ka go’an tahay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta iyo saaxiibtinimada ka dhaxeysa labada dhinac.
Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo Golaha Abwaannada ayaa ah bah-wadaag isku aragti ah oo ay ka dhaxeyso xiriir ku dhisan sidii la isaga kaashan lahaa daryeelka iyo horumarinta afka Soomaaliga iyo Hal-abuurkiisa.