Munaasabad kooban oo ku saabsaneyd wareejinta deeq buugaag ah, oo loogu talaggalay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa shalay oo ku beegneyd 21/6/2025, waxa ay ka dhacday hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho.

Hadal uu munaasabadaasi ka soo jeediyay Md, Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay buugaagta uu soo gaarsiiyay Kusimaha Guddoomiyaha AGA, ahna Guddoomiye Kuxigeenka Akademiya Goboleedka Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), wuxuuna caddeeyay inuu wax badan ka kororsan doono buugaagtaasi, isagoo dhanka kale, ka hadlay xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.

Kusimaha Guddoomiyaha AGA, ahna Guddoomiye Kuxigeenka Akademiyada Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare uga warbixiyay macluumaadka iyo nuxurka ay xambaarsan yihiin buugaagtaasi, isagoo dhinaca kale, uga mahadnaqay garab istaagga uu mar walba la garab taagan yahay Akademiyada iyo dadaalkeeda ku aaddan hiilka iyo daryeelka af Soomaaliga.

Sidoo kale, isla munaasabadaas ayuu Kusimaha Guddoomiyaha AGA ku gudoonsiiyay dhawr buug oo kale, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed Wehliye oo ka mid ah saaxiibbada Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.

Buugaagtaas oo ah kuwo aad u qiima badan ee la kala gaarsiiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Golaha Abwaannada ayaa waxay isugu jireen nuqullo kala duwan, waxaana ka mid ahaa Godob iyo Gallad, Laabta ka Soco iyo Kula Lihi, kuwaasi oo dhammaantood uu qorey Kusimaha Guddoomiyaha AGA Dr. Xuseen Wadaad.