Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay, looguna tala-galay furitaanka tababbar xirfadeed ku saabsan Qoraal-curinta Toolmoon, ayna ka soo qeyb galeen Guddoonka Aqalka Sare, Xildhibaano, madaxda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Golaha Abwaannada iyo dhalllinyaro matalaysay Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo bilowgii munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay tababbarkaan inuu wax badan kaga duwan yahay tababbaradii ay Akadeemiyadu horey u qaban jirtay, waxaana uu halkaasi bogaadin uga jeediyay da’ yarta ku soo bar-baaraysa qalinka iyo Naadiyaddooda ee ka faa’iidaysanaya tababbarkaas.
“Tababbarkaan aad ayuu uga mug weyn yahay kuwii ka horeeyay, maalmo ayuu socon doonaa, casharo is daba joog ah ayaa lagu qaadan doonaa, layliyo ayaa la isu diri doonaa, Shahaadooyin ayaa gaba-gabadiisa lagu bixin doonaa” ayuu yiri Dr. Afrax oo dhinaca kale caddeeyay inuu jiri doono tartan ku aadan Sheeko-curin, Maanso iyo Suugaan Saxaafadeed, kuwaasi oo lagu bixin doono abaal-marino qaali ah.
Guddoomiyaha Aga oo ka hadlayay qorshe hawleedka Akadeemiyada ayaa hoosta ka xariiqay inay Aga ahmiyad gaar ah ay siinayso taageeridda hal-abuurka Soomaaaliyeed, waxaana uu carrabka ku dhuftay inay Akadeemiyadu ka go’an tahay sidii ay uga soo dhalaali laheyd waajibaadkeeda ku aadan daryeelka iyo hiilka afka hooyo, isagoo dhanka kale uga mahad-celiayay Guddoomiyaha Aqalka Sare sida uu had iyo goor u garrab taagan tahay dhaqanka, afka iyo hal-abuurkiisa.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo si rasmi ah u furay tababbarkaasi ayaa ku cel-celiyay inuu Guddoomiyaha Aga Dr. Afrax uu uga mahad-naqayo sida naf-hurka ah ee uu ugu taagan yahay hiilka afka hooyo, waxaana uu ku baaqay inuu helaa afka Soomaaliga qoraal lagu middaysan yahay, isagoo dhallinyaradii uu tababbarkaas u furmayay kula dar-daarmay inay qiimeeyaan oo jeclaadaan afkooda hooyo.
Munaasabaddaas waxaa iyaguna ka hadlay Xildhibaan Sahro Cumar Maalin, Ku- simaha Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Xersi Dhuux Maxamed, Madaxa Tababbarada Aga Al-ustaad C/llaahi Sheikh Cabdi Aadan (Gacanka), Marwo Dahabo Sheikh Maxamuud oo ka tirsan Somalipen, Guddoomiyaasha Naadiyada Hillin-hayaan iyo Banaadir C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba) iyo Qadar Cabdi C/laahi iyo Najax Aadan oo ku hadlaysay magaca Naadiga Maskax-shiil.
Tababbarkaan oo loogu wanqalay “Tababbar Xirfadeedka Qoraal-curinta Toolmoon” ayaa waxaa ka faa’iidaysan doono 120 xubnood oo loo kala qeybiyay Seddex dufcadood, waxaana uu socon doonaa muddo Bil ah, waxaana casharada tababbarkaasi bixin doono macallimiin ruug-caddayaal ah oo isugu jira Aga iyo bahda qoraalka.















