Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa maanta oo ku beegan 14/1/2025, waxa uu safar shaqo uga ambabaxay waddanka Jabuuti, oo qayb ka ah dalalka ku bahoobay Akademiya Goboleedka Af Soomaaaliga AGA.

Macallin Saciid Saalax ayaa ujeeddada safarkiisa waxay la xiriirtaa sidii uu kulamo lagu hormarinayo Akademiya Goboleedka ula soo yeelan lahaa madaxda dawladda Jabuuti.

 Sidoo kale, socdaalka guddoomiyaha AGA ayaa wuxuu daarran yahay sii xoojinta hawlaha Akademiyada ee ka socda xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ee Jabuuti.

Guddoomiye Saciid Saalax Axmed ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaa ku sii sagootiyay madax iyo xubno ka tirsan xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka AGA.