Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa 25/12/2024, wuxuu kulankiisii ugu horreeyay uu la yeeshay hawlwadeennada Akademiyada, kulankaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka ee magaalada Muqdisho.
Ugu horeyntii, waxaa kulankaasi furey guddoomiyihii kumeelgaarka ahaa ee Akademiya Goboleedka Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo mid mid u baray guddoomiyaha cusub hawlwadeennada Akademiyada, wuxuuna si qoto dheer uga hadlay dadaalka hawladeennadaas ee ku aaddan gudashada waajibaadkooda, isagoo caddeeyay inay mudan yihiin ammaan iyo bogaadin.
Guddoomiyaha cusub ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kulankiisii koowaad uu la yeesho hawlwadeennada Akademiyada, wuxuuna iftiimyay inuu yahay Macallin hawsha Akademiyada muddo dheer ku soo dhex jiray, isagoo ballnaqaaday inuu hawlgali doono sidii uu u hormarin lahaa hawlaha Akdemiya Goboleedka Af Soomaaliga.
Qaar ka mid ah hawlwadeennada Akademiyada oo kulankaasi ka hadalay ayaa sheegay inay si kalgacal leh u soo dhaweynayaan guddoomiyaha cusub, waxayna caddeeyeen inay si daacadnimo ah ula shaqeyn doonaan.
19/12/2024-kii ayuu guddoomiyaha cusub ee Akademiyada Macallin Saciid Saalax la wareegay xilka guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.















