Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Macallin Saciid Saalax Axmed oo toddobaadyadii la soo dhaafay ku  maqnaa safarro hawleed, oo uu ku kala bixinayay magaalooyinka ku yaalo geeska Afrika ayaa maanta oo ku beegan 22/4/2025, waxa uu ku soo laabtay magaalada Muqdisho.

Macallin Saciid Saalax ayaa intii uu ku sugnaa magaalooyinka Jabuuti iyo Hargaysa, waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta laamaha Akademiyada ee magaalooyinkaasi uu la yeeshay mas’uuliyiinta iyo  xubnaha Akademiyada ee madaxda ka ah laamahaas, waxaana uu ka hadlay arrimo ku aaddan dardargalinta hawlaha ay laan walba u xilsaaran tahay.

Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa waxay leedahay waaxyo kala duwan iyo laamo ku kala firirsan daafyaha caalamka.