Munaasabad loogu talaggalay daahfurka kitaabka Qawaacidda iyo Icraabta Naxwaha Carabiga, ayna ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan, culumaa’udiin, aqoonyahanno, qorayaal iyo marti sharaf kale, ayaa maanta oo ku beegan 24/12/2024, waxaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA),  Macallin Saciid Saalax Axmed oo ka hadlay daahfurkii kitaabkaasi ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo bandhigga kitaabka Qawaacidda iyo Icraabta Naxwaha Carabiga, waxaana uu si qoto dheer uu uga hadlay muhiimmadda uu qoraalku leeyhay, isagoo dhanka kale caddeeyay inay Akademiyadu u furantahay qoraa kasta oo bulshada Soomaaliyeed wax ku soo kordhinayo.

Qoraaga kitaabka Qawaacidda iyo Icraabta Naxwaha Carabiga, Shiikh Cabdiraxmaan Yaraani Aadan oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sababaha ku dhaliyay qoraalka kitaabkaasi, wuxuuna iftiimiyay  inuu  ugu tallaggalay sidii uu ardayda ugu fududeyn lahaa barshada naxwaha, isagoo dhanka kale ugu mahadnaqay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo  ugu deeqday hoolka uu ku soo bandhigau kitaabkiisa.

Sidoo kale, munaasabadda bandhigga kitaabkaasi, waxaa sidoo kale ka hadlay  Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), Dr, Shiikh Abuubakar Xasan Maalin iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo sheegay inuu Shiikh Cabdiraxiim Yaraani uu soo saaray kitaab waxtar badan u leh ummadda Soomaaliyeed.

Gabaggbadii munaasabadaasi ayaa qoraha kitaabka Qawaacidda iyo Icraabta Naxwaha Carabiga, Shiikh Cabdiraxmaan Yaraani Aadan waxa uu kitaabkiisa ugu deeqay ka qaybgalyaashii bandhigaasi.