Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa shalay oo ku beegneyd 1/9/2025, waxa uu xarunta Akademiya Goboleedka ee magaalada Muqdisho uu kulan gaar ah kula yeeshay guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Md, Ismaaciil Yuusuf Cismaan.
Macallin Saciid Saalax Axmed oo xarunta AGA ku soo dhaweeyay Md, Ismaaciil Yuusuf ayaa si gaar ah uga wadahadlay sii xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya labada Akademiya iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta hawlaha ay u xilsaaran yihiin Akademiya Goboleedka iyo Akademiyada Cilmiga.
Kulankaasi ay yeesheen labada Guddoomiye ayaa ku dhacay jawi aad u wanaagsan.