Danjiraha dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Pier Mario Daccò Coppi ayaa maanta oo ku beegan 26/2/2024, wuxuu booqasho saaxiibtinimo ku yimid xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha AGA Baresare Cabdalla Cumar Mansuur oo Danjire Pier Mario ku soo dhaweeyay xarunta Akademiyada AGA ayaa safiirka uga warbixiyay dadaalka ay Akademiyadu ugu jirto hiilka iyo daryeelka af Soomaaliga, isagoo soo dhaweeyay wada shaqeynta cusub oo ay yeelanayaan safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya & Akademiyada AGA.
Danjire Pier Mario Dacco Coppi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid xarunta Akademiya Goboleedka, wuxuuna caddeeyay inuu si aad ah u qiimaynayo af Soomaaliga, isagoo ballanqaaday safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya inay gacan ka gaysan doonto horumarinta af Soomaaliga.
Safiirka ayaa ugu dambayntii ku soo wareegay qeybaha ay ka kooban tahay xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).















