Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Wakiilkii Akadeemiye-Goboleedka ee Koonfur-Galbeed Prof Maxamed Cali Kalaay oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Dr. Afrax ayaa sheegay inuu si aad ah uga naxay geerida ku timid Prof Maxamed Cali Kalaay, waxaana uu iftiimiyay marxuumku inuu ahaa aqoonyahan iyo waaya arag u taagan daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga, isaga oo caddeeyay inuu Prof Kalaay ahaa mutacallim noloshiisa u hibeeyay sidii uu ummaddiisa ugu Wacyigalin lahaa qiimaha uu leeyahay afkooda hooyo.
“Aniga oo ku hadlayo Magacayga, magaca Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo guud ahaan magaca bahda afka, dhaqanka, hal-abuurka iyo suugaanta ayaa geerida Wakiilkii AGA ee K/Galbeed, waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, eheladii iyo saaxiibadii uu ka baxay marxuumkaas, waxaana Alle uga baryayaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo” ayuu yiri Prof. Maxamed Daahir Afrax.
Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali (Kalaay,) waxa uu ahaa aqoonyahan la jecel yahay, waxaana uu ahaa macallin wax soo barey dhallinyaro badan oo Soomalaiyeed, Allaha u naxariistee caan waxa uu ku ahaa hiilka afkiisa hooyo!














