Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa maanta oo ku beegan 25/1/2020 waxa uu kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Macaarif ee wadanaka Turkiga Mr, Ihsan Cerrah, kaasi oo ka dhacay xarunta Hay’adda Macaarif ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha AGA iyo Guddoomiyaha Macaarif ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta luqadda afka hooyo iyo hannaankii ay u wada shaqeyn lahaayeen hay’addaha ka shaqeeya afka, dhaqanka iyo hal-abuurka.
Dr, Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo ka hadlayay munaasabaddii kulankaasi ayaa si cilmiyaysan uga warbixiyay hawlaha ay qabato Akadeemiyada AGA, waxaana uu si gaar ah ugu mahad-celiyay guud ahaan Dawladdda Turkiga, gaar ahaan hay’adda Macaarif ee ka hawl gasha wadanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Hay’adda Macaarif Mr, Ihsan Cerrah oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ugu yimid Guddoomiyah AGA, waxaana uu caddeeyay inuu soo dhaweynayo hawlaha ay qabato Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, isaga oo hoosta ka xariiqay inuu jecel yahay in la baro luqadda Soomaaliga.
“Aniga, waxaa iga go’an inta aan Xafiiska joogo inaan ka shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac, sidoo kale waxaa muhiim ii ah sidii loo horumrin lahaa afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, waxaana aan aaminsan ahay in afku uu yahay jiritaanka iyo astaanta lagu garto ummad kasta” ayuu yiri Mr, Ihsan Cerrah.
Munaasabaddaasi oo ku dhacday jawi wanaagsan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka kala socday Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Hay’adda Macaarif.
![]()













