Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa tacsi gaar ah u diray Agaasimaha Warsidaha Aga Axmed Maxamed Dhicisow oo walaalkiis Marxuum Aadan Maxamed Dhicisow uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Prof. Afrax ayaa marxuumkaasi Alle uga barayay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, kitaabkiisana uuu middigta ka siiyo, marti la jecel yahay inuu ka dhigo, qoyskii iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan inuu illaah ka siiyo.
Dhinaca kale tacsi taas la mid ah waxaa dirayo goosanka Akadeemiyada ee Muqdisho oo kala ah Prof. Mustafa Feyruus, Cabdi-naasir Yuusuf, Cali Cigaal, C/casiis Goobdoon, Caaqil Axmed faarax, Deeq Xersi, C/llaahi Gacanka, C/llaahi Xasan, C/qaadir Shire, Seynab Xaaji Axmed “Ugbaad” iyo Dayax Axmed Maxamed, dhamaan xubnahaas waxay Agaasimaha Warsidaha Aga uga tacsiyeynayaan Marxuumka geeriyooday, waxayna Alle uga baryayaan inuu Jannada ka waraabiyo.
Adduunyadu waa safar, qof walbana maalin ayuu ka tagayaa, ma-dhinte waa illaah ee Alle ha u naxariisto Marxuum Aadan Maxamed Dhicisow oo ku xijaabatay magaalada Muqdisho
Innaa Lillaahi Wa-Innaa Illeyhi Raajicuun!














