Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa guud-ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay farxadda maalmaha xorriyadda ee 26 & 27 Juun iyo 1-da Luulyo ee 2021-ka.

Dr. Afrax ayaa sheegay in ay isku soo beegmeen munaasabadaha  toddobaadka xorriyadda iyo xuska toddobaadkii daahfurka  Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo xilligaan Sideed (8) jirsatay, isaga oo iftiimiyay munaasabadahaas is barkin in si wadajir ah loogu xusi doono kulanka madasha AGA ee la qaban doono Sabtida soo socoto haddii uu Alle idmo.

Guddoomiyaha AGA ayaa ugu dambayntii ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in sannadkaan ay kiisa kale ku gaaraan nabad iyo horumar.