Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa 13/5/2023, waxa uu guddoonsiiyay wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dawladda Federaalka Soomaaliya Md, Daa’uud Aweys Jaamac nuqul ka mid ah xeerka lagu maamuli doono Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), iyada oo  munaasabaddii lagu maamuusayay wareejinta xeerkaasi ay ka dhacday xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaalada Muqdisho,

Xeerkaasi oo in muddo ah laga shaqaynayay ayaa waxaa diyaariyay maamulka iyo xubnaha golaha fulinta ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto.

 Guddoomiye Cabdalla Mansuur oo hadal kooban munaasabadaasi ka soo jeediyay ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka ay muhiim u tahay socodsiinta iyo taageerida waxqabadka Akademiye Goboleedka, waxaana uu caddeeyay inuu ku faraxsan yahay sida uu wasiirka warfaafinta uga guddoomay xeerka Akademiyada, isaga oo uga mahadnaqay wasiirka warfaafinta sida wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyay wasaaradda.

Wasiir Daa’uud Aweys oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay la shaqeynta AGA, waxaana uu iftiimiyay inuu soo dhaweynayo xeerkaasi la guddoonsiiyay, isaga oo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii ay labada hay’adood  isaga kaashan lahaayeen afka, dhaqanka iyo hal-abuurka.